Ciidamada Yahuudda ayaa weerar ku qaaday cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Qaza, iyaga oo si xun u dhaawacay ilmo, isla markaana waxyeelo u geystay goob lagu xanaaneeyo oo xarun ah, halka diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu ay sidoo kale rasaas ku garaacday albaabada iyo gidaarada cisbitaalka Indonesia ee u dhow.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku celisay codsigeedii ahaa in shaqaalaha caafimaadka la ilaaliyo ka dib markii ciidamada Yahuudda ay dileen laba kale oo kalkaaliye caafimaad ah oo Lubnaani ah, isla markaana ay waxyeelo gaadhsiiyeen laba cisbitaal oo ku yaalla Lubnaan.
Osama Hamdan oo ah sarkaal ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in wada-hadalladii u dhexeeyay kooxaha Falastiiniyiinta ee Qaahira ay ahaayeen kuwo “wanaagsan” balse wuxuu sheegay in kooxdu aysan helin wax qoraal ah oo xabbad joojin ah. Xasuuqa Yahuudda ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 43,341 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 102,105 tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Qiyaastii 1,139 qof Yahuud ah ayaa lagu dilay intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Dhanka kale Lubnaan, ugu yaraan 2,897 qof ayaa lagu dilay 13,402 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Yahuudda, tan iyo markii uu dagaalka Qaza billowday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.