Shirkada Duulimaadyada ee Air France oo Joojisay Duulimaadyadeeda Badda cas.

19
0

Air France ayaa shalay oo Axad ahayd ku dhawaaqday, joojinta duulimaadyadeeda badda cas, taas oo ah tallaabo taxaddar, kadib markii shaqaalaheedu ay sheegeen in aysan kuduuli Karin hawada Dalka Suudan.

Maamulayaasha Diyaaradda Air France ayaa sheegay, in qorshaha duullimaadyadooda qaarkood uu isbedelay, isla markaana ay diyaaradihii u duuli jiray dhanka bada cas ay  dib ugu laabteen garoomadii ay ka duuleen.

Arrintan ayaa timid kadib markii shirkaddu ay sheegtay in ay hawada sare ee dalka Suudan ay ku aragtay shay iftiimaya oo ku duulaya joog sare, iyada oo aan wax Tafaasiil ah kabixin, sidoo kale shirkadu maysan shaacin xiliga ay dib u bilaabayso dulimadyadeeda gobolka.

Ilo dhanka duulimaadka ah, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee France-Presse in shirkada Air France ay tahay shirkada kaliya ee qaaday talaabadan taxadarka ah, waxaana  ay intaas ku dareen in aan hawada gobolka la xirayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here