Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo ka Dhashay Qarax Foolkaanooyin ah oo ka Dhacay Bariga Indonesia.

25
0

Foolkaanaha ka qarxay buurta Liwotobi Laki-Laki ee bariga Indonesia ayaa dilay ugu yaraan 10 qof,  waxaana laga daadgureeyay dadkii deganaa dhowr tuulo oo ku dhaw goobta,  hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa shaaca ka qaaday, tirada dhimashada kadib markii foolkaanada ay si isdaba joog ah u qaraxday xilli habaynimo ah.

Foolkaanaha  ayaana ku dhuftay jasiiradda Flores, oo ah goob loo dalxiis tago, Maamulka dawladda ayaana faarujiyay 5 tuulo oo ku yaalla agagaarka goobta uu Foolkaanuhu ka qaraxay, waxaana la daad gureeyay kumannaan qof oo degganaa halkaas.

Dawladda waxa ay kaga dhawaaqday xaalad degdeg ah meelaha ay dhibaatadu ka dhacday, hay’adda Volcanology ee Qaranka ayaa sidoo kale  sare uqaadday feejignaanteeda, iyada oo ka codsatay dalxiisayaasha iyo dadka deggan in aysan udhaqaaqin dhinaca godka Foolkaanaha.

Hay’adda ayaa bayaan ay soo saartay maanta ku sheegtay, in uu si weyn ukordhay dhaqdhaqaaqa foolkaanaha buurta Liwotobi-Laki-Laki.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, qaraxa foolkaanada Marabi ee galbeedka jasiiradda Sumatra, ayaa waxaa ku dhintay 11 qof oo kamid ahaa 75 dhallinyaro ah oo fuulay dallacaadda buurta foolkaanada oo qiyaastii hal kilomitir iyo bar u jirta god foolkaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here