18 Qof oo Rayid ah oo Lagu Dilay Gobolka Jaziira ee Dalka Sudan.

20
0
FILE PHOTO: Sudanese people, who fled the violence in their country and newly arrived, wait to be registered at the camp near the border between Sudan and Chad in Adre, Chad April 26, 2023. REUTERS/Mahamat Ramadane/File Photo

Illo deegaanka ah ayaa warbahinta u sheegay, in boqolaal qof ay ka barakaceen tuulooyinka Waqooyiga Diindir ee gobolka Sennar ee bariga dalka Sudan, iyagoona gaaray magaalada Gedaref, sidoo kale weeraro khasare badan gaystay oo ay ciidamada RSF ku qadeen gobalka Jaziira ayay ku dileen ku dhawaad 20 qof oo shacab ah.

18 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, weerar ay ciidamada RSF ku qaadeen tuulooyin ka tirsan gobolka Jaziira ee bartamaha Sudaan.

Shabakadd  Dhakhaatiir ah oo ka hawlgasha  Gobalada dhalka,  ayaa shalay  Isniintii  bayaan ay soo saareen ku sheegeen, in 13 qof ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Ciidamada RSF ku beegsadeen  tuulada Al-Bururab oo hoos tagta tuulada Sheekh Mekki ee bariga Gobolka Jaziira.

Muddo labo todobaad ah, gobolka Jaziira waxaa ka dhacayay weeraro xooggan oo lagu burburiyay ugu yaraan 65 isugu jira tuulooyin iyo magaalooyin,  kadib markii uu goostay taliyihii ciidamada RSF ugu magacaabnaa gobalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here