Ururka Xisbullaah oo Bartilmaameeday Saldhigyo iyo Gooba ay Leedahay Yahuudda.

22
0

Xisbullaah ayaa ku dhawaaqday in ay gantaallo la beegsatay  saldhigyo iyo  goobo millatari oo ku yaalla waqooyiga iyo bartamaha dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato, kuwaas oo 3 ka mid ah ay markii ugu horreysay la beegsadeen gantaallo gaar ah.

Bartamaha dhulka ay gumaysato Sahaayinada, Xisbullaah waxay sheegtay in ay gantaalka nooca loo yaqaano “Fateh 1”  ay ku garaacday saldhigga Zarvin ee udhow garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee koonfurta magaalada Tel Aviv, waxayna tilmaantay in saldhiggan uu ka kooban yahay kulliyado lagu tababaro ciidammada.

Waxa uu intaa ku daray ururka, in gantaalka “Fateh 1”  ay tahay markii ugu horeysay ay adeegsadaan, waana mid dhulka laga rido oona gaaraya 300 oo KM, wuxuuna  xambaaraa madax culeyskiisu dhan yahay 500 kg.

Xisbullaah ayaa sidoo kale sheegtay, in markii ugu horreysay ay beegsatay saldhigga Bilu ee magaalada Tel Aviv, iyadoo ku weerartay raxan ka mid ah diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn, waxayna raacisay Xisbullaah inay diyaaradahaas si sax ah ubeegsadeen hadafkooda, iyadoona xustay in saldhiggan uu leeyahay kaydka Paratroopers Brigade ee qaybta 98-aad ee ciidamada Sahaayinada.

Maleeshiyaadka Xisbullaah  ayaa sidoo kale sheegay, in markii ugu horreysay ay beegsadeen saldhigga ciidamada badda ee Haifa, iyagoona ku weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahay, Waxa uu sharaxay Xisbiga in saldhigan ay leeyihiin ciidamada badda ee Sahaayinada ayna ku jiraan maraakiibta gantaallada ku rakibinyihiin iyo kuwa badda quusa.

Waxa uu sidoo kale sheegay ururka in uu bilaabay howlgallo wadajir ah oo uu ku qaaday saldhigga ciidamada badda ee Stella Maris ee waqooyi-galbeed ee Haifa, iyadoona la beegsaday gantaallo tayo sare leh iyo diyaarado aan duuliya lahayn, waxayna sheegeen in ay bartilmaameed sax ah  beegsadeen, saldhigan ayaana ah mid istaraatiiji ah oo laga ilaaliyo  xeebaha waqooyi ee dhulka gumaysiga ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here