Australia oo ku Tala Jirta in ay Dalkeeda ka Xakamayso isticmaalka Baraha Bulshada.

17
0

Dowladda Australia ayaa ku tala jirta in ay qaado tallaabooyin ay ku xakameyayso in carruurta iyo dhalinyarada ay galaan baraha bulshada, iyadoo loo oggolaanaayo oo  kaliya kuwa da’doodu tahay 16 sano ama ka weyn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Jarmalka.

Ra’iisul Wasaaraha  dalkaas  oo suxufiyiinta kula hadlay magaalada Canberra ayaa sheegay,  In uu aritaani kala hadlay kumannaan waalidiin ah, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in waalidintu ay  sidiisa oo kale ay ka walaacsan yihiin dhibaatada uu Internetka ku haayo caruurtooda.

Wuxuu intaa ku daray wasiirka: “Waxaan rabaa in waalidiinta iyo qoysaska Australiyaanka ah ay ogaadaan in dowladdu ay arintaasi dhabarka uridanayso.”

Hindise sharciyeedkan ku saabsan  xakamaynta Baraha Bulshada ayaa lagu wadaa in Jimcaha barri ah shirka Golaha Wasiirada looga doodo, kaddibna la horgeeyo Baarlamaanka dabayaaqada bishan, waxayna qaadan kartaa muddo aan ka yarayn sanad.

Internetka ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee ay jiilka maanta la daala dhacayaan, kumana sii jirta marka la fiiriyo Soomaliya oo inta badan caruurtii ay ka dhaceen noolashii, iyagoona waxbarashadii ka doorbiday Baraha Bulshada, marka laga soo taga deegaanada ay maamusha Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo laga joojiyay Baraha Bulshada si loo dhawro akhlaaqda iyo qayimka bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here