Dawlada Maraykanka oo Laashay Xayiraadii Saarnayd Ukraine ee Dayactirka Hubka.

23
0

Dawlada Maraykanka ayaa damacsan in ay dalka Ukraine udirto qandaraaslayaasha shirkadaha gaarka ah, si ay u dayactiraan hubka tirada badan ee uu Maraykanku ugu deeqay Millatariga Ukraine.

Waxaa isbeddel weyn oo siyaasadeed laga dareemayaa kaalmadii uu Maraykanku siinjiray Ukraine, ayadoo dagaalka udhaxeeya labada dal uu sii xoogaysanayo, Dhanka kale, Kiev ayaa ku dhawaaqday inay soo saartay meydadka in ka badan 500 oo askari oo u dhashay Ukraine, iyadoo uu weli socdo dagaallada u dhexeeya labada dhinac.

Wakiil ka socda Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka (Pentagon) ayaa sheegay shalay  Jimcihii, in wasaaraddu ay u oggolaan doonto shirkadaha difaaca ee gaarka loo leeyahay, in la geeyo dalka Ukraine, si ay ciidamada uga caawiyaan hagaajinta iyo dayactirka qalabka uu Maraykanku ugu deeqay.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay, in shaqaalahan ay ka fogaan doonaan jiidaha hore ee dagaalka, isla markaana aysan ka qeyb qaadan doonin dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka ka sii dagaya Joe Biden, ayaa doonaya in uu qarash gareeyo dhammaan dhaqaalihii miisaaniyadeed ee loo qoondeeyay Ukraine, ka hor inta aan la caleema saarin Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriga Donald Trump bisha Janaayo, iyadoo guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ay keentay su’aalo ku saabsan mustaqbalka kaalmada Mareykanka ee Kiev.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here