Malatriga Kuuriyada Koonfureed ayaa shaaca ka qaaday maanta, in Kuuriyada Waqooyi ay shalay iyo maantaba tashwiish ku furtay nidaamka lagu xadida boosaska ee loo soo gaabiya (GPS), taasoo saameyn ku yeelatay howlihii maraakiibta iyo diyaaradaha gaarka loo leeyahay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Taliyaha guud ee shaqaalaha Kuuriyada Koonfureed ayaa kula taliyay maraakiibta iyo diyaaradaha ka howlgala aagga badda galbeed in ay ka digtoonaadaan calaamadaha qaldan ee uu sheegayo GPS-ka ku xiran Kuuriyada Waqooyi.
Taliyaha guud ee ciidamada dalkaas, ayaa ku booriyay Kuuriyada Waqooyi in ay si deg deg ah u joojiso daandaansiga ay wadda baryahaan danbe, waxuuna oogu goodiyay in ay iyadu qaadi doonto mas’uuliyadda ka dhalata falalka ay gaysanayso.