Qarax Cusub oo Volcano ah oo ka Dhacay Dalka Indonesia.

17
0

Buur ku taalla dalka Indonesia ayaa dhalisay qarax Volcano ah ugu yaraan saddex jeer subaxnimadii hore ee manta, taas oo sababtay qiiq iyo danbas kulul oo hawada sare isku shareeray, maalmo un kaddib markii qarax Volcano ah uu dilay ku dhawaad 10 qof, halka tobaneeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

Ljupoti waa volcano labalaab ah oo ku taala qaybta koonfur-bari ee jasiiradda fog ee Flores ee Bariga Nusa Tenggara ee dalka Indenosia. Buurtan ayaa marar badan sababtay qarax Volcano oo aad uwayn.

Qarax weyn oo Volcano ah ayaa Buurtan ka dhacay Isniintii lasoo dhaafay, kaas oo ay ku dhinteen 9 qof, waxaana dhaq dhaqaaqiisa uu gaaray illaa 16 kun oo qof oo ku sugnaa tuulooyinka ku dhow dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Xog laga helay Hay’adda sheegata Maareynta Musiibooyinka Indonesia ee Indonesia, ayaa muujisay Sabtidii in dadaallada daadgureynta ay sii socdaan, iyadoo illaa 10,700 oo qof la daadgureeyay fiidnimadii Jimcaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here