Ku dhawaad 1.4 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay daadad ku dhuftay dalka South Suudaan, halka in ka badan 379 kun oo ruuxna ay barakaceen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoona ka digaysa inuu halkaas ka dilaaco cudurka duumada.
Waxaa ka socdo dalka South Suudaan fatahaadihii ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, gaar ahaan gobollada waqooyi, waana dal aad oogu nugul khatarta isbedalka cimilada.
Wararka ayaa sheegaya, in 1.4 Milyan oo qof ay saameeyeen daadad ku dhuftay 43 degmo iyo dagmada Abyei ee ay ku muransan yihiin Suudaan iyo South Suudaan, halka in ka badan 397 Kun oo qofna ay ka barakaceen 22 degmo, iyadoo lagu darayo magaalada Abyei.
Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, in ka badan 700,000 oo qof ayay saameeyeen daadad ku dhuftay dalkaas.
Gobolka Unity ee waqooyiga South Suudaan ayaana loo arkaa mid ka mid ah meelaha sida aadka ah ay u saameysay fatahaadaha.