4 Xasuuq oo ay Ciidamada Yahuuddu ka Gaysteen Marinka Qaza oo Sababay Shahiidka Tobaneeyo Qof oo Falastiiniyiin ah.

17
0

Ciidamada Gumaysiga Yahuudda ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan deegaano kala duwan oo ka tirsan Marinka Qaza, waxaana weeraradaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay ku jiraan caruur iyo Suxufiyiin.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa ku dhawaaqday, in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Yahuuddu xasuuqday 4 qoys oo ku nool Marinka Qaza, kuwaas oo tiradoodu garaysay 44  qof, halka duqaymahaas ay ku dhaawacmeen 81 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo lagaarsiiyay xarumaha Caafimaadka.

Tirada Shuhadada tan iyo waabarigii maanta ayaa gaartay 32 shahiid, taasoo ka dhalatay duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay deegaano kala duwan oo ka tirsan Marinka Qaza, oo ay ku jiraan 16 qof oo ku shahiiday Waqooyiga Marinka Qaza.

5 Falastiini ah ayaa ku shahiiday, qaar kalena way ku dhaawacmeen duqayn ay Yahuuddu la beegsatay tiro Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa xaafadda Shujaiya ee bariga magaalada Qaza.

3 falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla magaalada Beit Lahia ee waqooyiga marinka Qaza. Wariyaha Aljazeera ayaa sheegay in guriga la beegsaday uu ahaa guriga wariye Yoonis Abuu Jarad oo ku yaala deegaanka Manshiya.

Tirada shahadada ee ku shahiiday duqeynta lala beegsaday Dugsiga Fahad Al-Sabaax ee ku yaalla xaafadda Al-Tuffah ee bariga magaalada Qaza, ayaa gaartay 6 qof, oo ay ku jiraan labo wariye iyo gabar.

Deir al-Balah oo ku taal bartamaha marinka Qaza, 3 qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday, kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay teendho ay ku jireen dad barakacayaal ah, taas ku taalay barxadda cisbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in ciidamada gumeysigu ay duqeeyeen maanta, teendhooyin ay ku noolaayeen suxufiyiin iyo dad barakacayaal ah oo ku taalay gidaarka Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa, kaas  oo ku yaalla bartamaha marinka Qaza, duqayntan ayaa noqonaysa duqayntii 9-laad oo lala beegsado Suxufiyiinta  ka hawlgala marinka Qaza, tan iyo 7, October 2023.

Deegaanka Al-Mawasi ee galbeedka magaalada Khan Yuunis, tirada dadkii ku shahiiday manta ayaa gaartay 7 qof,  halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas kabadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here