Guusha Trump Maxay uga Dhigan Tahay Ruushka? (Warbixin).

21
0

Falanqeeyaha siyaasadda Ruushka haweenayda lagu magacaabo Tatiana Stanovaya ayaa aaminsan, in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu umuuqdo nin nasiib badan bilihii la soo dhaafay, taageerada reer galbeedka ee Ukraine ayaa sii wiiqmeysa, wada xaajoodka tooska ah ee lala yeelanayo Ruushka hadda ma ahan fikrad yar, waxay u egtahay in ay  Moscow hesho waxay rabto, ayeey tiri haweenaydaas.

Kaddib ku dhawaad ​​saddex sano oo uu socday dagaal Ukraine, dad badan ayaa aaminsan in uu Ruushku leeyahay gacanta sare ee fagaaraha, ciidamada Ruushkana ay si tartiib tartiib ah u sameynayaan horumar, maadaama ay heystaan ​​hub iyo askar badan, iyagoona sidoo kale cadaadis saaraya Kiev, weerarana ugeysanaya kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas.

Khubaradaas ayaana sheegaya, in fursadaha weerar rogaal celis ah oo ay Ukraine soo qaaddo  ay umuuqato mid aad uyar, mana jirto wax xiisad siyaasadeed ah  oo ka taagan Ruushka, si fudud waxaa la oran karaa Putin waxa uu gaaray guul.

Warbixin ay daabacday  wakaaladda wararka ee Jarmalka ayaa sheegaysa, in dad badan ay filayaan in guusha Trump ay horseedi doonto dib u soo celinta xiriirkii heerka sare ahaa ee u dhaxeeyay Washington iyo Moscow, ayna hoos u dhaci karta kaalmada Mareykanka uu siiyo Ukraine, iyo inuu soo dariyo khilaafyo  ka dhex dhaca (NATO). si kastaba ha ahaatee, tani ma kordhinayso fursadaha guusha ee Kremlin, dhibaatadu waxay tahay in uusan jirin hogaamiye reer galbeed ah, oo uu ku jiro Trump, oo leh qorshe lagu soo afjarayo dagaalka.

In kasta oo ay jiraan dhowr waddo oo uu Putin isku dayi karo si uu u gaaro yoolalkaas, haddana uma eka in mid ka mid ah uu ku guuleysan doono. Waxaa cad in dariiqa koowaad uu yahay dariiqa ciidanka, Laakiin khubaradu waxay sheegeen in Ruushku aanu haysanin askar iyo qalab ku filan oo uu ku qabsado magaalooyinka Ukraine, waxa kaliya ee Moscow ay samayn kartaana ay tahay in ay si tartiib tartiib ah u riixdo ciidamada Ukraine ee jiidda hore ku sugan.

Dariiqa labaad waa in la dhiibo Kiev, si kale haddii loo dhigo, in lagu beddelo madaxweyne Volodymyr Zelensky hoggaamiye kale, kaas oo maqaar saar u ah Putin,  diyaarna  u ah inuu dalka ku wareejiyo Putin. Noocan is-dhiibitaanka ah ma ahan mid usuura gali kara si fudud iyadoo ay xabadda socota, balse waxaa laga yaabaa in ay Ukraine aqbasho dhammaan dalabaadka Kremlin, oo ay ku jiraan in la sameeyo kooxo dhexdhexaad ah, dib u qorisna lagu sameeyo  dastuurkeeda si kaalin fiican loo siiyo kooxaha Ruushka gacan saarka la leh, iyo in ay ka tanaasusha qayb ka mid ah dhulkeeda.

Dhab ahaantii, Moscow waxay isku dayaysaa in ay ku qanciso shacabka Ukraine iyo reer galbeedka in ay ka takhalusaan Zelensky oo ay doortaan hoggaamiye dabacsan, in kasta oo ay Kiev wajahayso dhibaatooyin aad ubalaaran, hadana ma jiraan dhaqdhaqaaq muuqda oo dhinacaas laga gaaray, Waxaa muuqata in ay yartahay fursad keeni karta isbaddal siyaasadeed  oo ku yimaada Kiev, taasoo horseedda in ay soo baxdo dowlad doonaysa in ay si dhab ah uga hadasho codsiyada Putin.

Dariiqa saddexaad waa isbedelada siyaasadeed ee waaweyn ee ka jira reer galbeedka, taasoo horseedi karta in hogaamiyayaasha reer galbeedku ay cadaadis ku saaraan Ukraine in ay iska dhigto dawlad ay aqbali karto Moscow.

Dad badan ayaa aaminsan in tani ay tahay xaaladda Kremlin-ka ay hadda ku xisaabtamayso, si kastaba ha ahaatee, haddii aad si dhab ah u eegto hadallada  hoggaamiyeyaasha reer galbeedka, oo uu ku jiro Trump, waxaa cad in midkoodna uusan xitaa ku dhowayn in uu ku riixo Kiev in ay aqbasho xukuumad ay Moscow raali ka tahya, Xataa kuwa u muuqda inay ku faraxsan yihiin inay arkaan wada xaajood ma rabaan inay Ukraine is dhiibto.

Ugu danbayntii sida uu ka dhawaajiyay afhayeenka Putin ninka lagu magacaabo Dmitry Peskov, waxa ay saraakiisha Ruushku si dhow ula socon doonaan ficillada madaxweynaha la doortay, waxayna doonayaan inay arkaan tallaabooyinka ugu horreeya ee uu Trump qaadi doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here