Maxaan ka ognahay Dhulmareenkii Muslimka Ahaa ee noolaa Qarniyadii Dhexe. Guud Marka Socdaalkii Ibnu Batuuta Qaybta (2)

23
0

Waxaa maqaalkii hore noogu danbaysay iyadoo uu Ibnu Batuuta galay magaalada Baqdaad oo xiligaas Magaceeda mooyaane muuqaalkeedii baaba’ay, kaddib markii ay tartaarku dhulka la simeen sannaddii 1258 ee Miilaadiyada.

Kaddib waxa uu booqday Faaris iyo magaalada Tabriz, kaddibna waxa uu ulaabtay magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, isagoona halkaas ka go’aansaday in uu ku laabto Makka oo uu soo guto Xajka markiisii labaad.

Mudo ayuu ku sugnaa Makka illaa uu ka bogsaday xanuun xiligaasi ku dhacay, kaddibna waxa uu aaday Jiddah, dabadeedna waxa uu ujihaystay dhanka Yemen isagoo booqday magaalada Sanca ee caasimadda dalkaas.

Sannadkii 1328-kii ee Miilaadiyada, Ibnu Batuuta waxa uu safar dhinaca badda ah kaga soo baxay Cadan, isagoo ujihaysatay  Soomaaliya wuxuuna booqday dhawr magaalo oo ay kamid yihiin Muqdisho iyo Barbara.

Booqashadiisii Soomaaliya kaddib waxa uu aaday dhanka magaalada Kilwa ee Tanzania oo ku taalla xeebta dalalka Geeska Afrika. waxa uu hadana dib ugu soo dhoofay Cumaan, isagoona ku laabtay Faaris, marki saddaxaad ayuu hadana go’aansaday Ibnu Batuuta inuu booqda Makka xilligaasna tariikhda waxay ahayd 1330 ee Miilaadiyada.

Intaa kaddib Ibnu Battuta ayaa hadana mar kale booqday Shaam, wuxuuna u dhaqaaqay dhanka waqooyi illaa uu ka soo galay Aasiyada Yar, wuxuu gaaray Sinop oo ku taalla xeebta Badda Madow ee Turkiga, kaddibna waxa uu ka tallaabay badda isagoona ugudbay Jasiiradda Crimean ee dalka Ruushka.

Kaddib waxa uu booqday koonfurta Ruushka, dabadeedna  waxa uu usafray magaalada Qustandiiniyah, oo ahayd caasimadda Boqortooyada Byzantine, halkaas ayuu ku go’aansaday inuu mar kale ku noqda Faaris, wuxuuna sii watay socdaalkiisii ​​bari illaa uu ka soo gaaray Hindiya Sebtembar 8, 1333 miilaadiyada.

Muddo 10 sano ku dhow ayuu halkaasi ku sugnaa, isagoona booqday gobollo badan, inta uu ku sugnaa Hindiya  waxa uu garsoore unoqday Maxamed Tughlaq, oo ahaa hogaamiyihii labaad ee saldanadii Tughlaq oo xiligaasi xukumaysay Hindiya.

Kaddib waxa uu damcay in uu ka tago Hindiya, balse hogaamihii Hindiya diyaar uma ahayn in uu ka tago, sidaa awgeed waxa uu marmarsiyo ka dhigtay in uu rabo Xajka, laakiin Muxammad Tughlaq wuu diiday arinkaasna.

Sanadkii 1345-tii Miilaadiyada ayuu Muxamed Tughlaq soo jeediyay in loo diro Ibnu Battuta  Shiinaha  si uu safiir uga noqdo halkaas, wuxuuna isla markiiba aqbalay Ibnu Battuta dalabkaas, isagoona ay meeshas uga muuqatay fursad usaamaxaysa in mar un uu ka tago Hindiya, uuna soo ogaado gobollo iyo meelo cusub oo katisan Shiinaha.

Haddaba, waa kan Ibnu Batuuta oo usocda  Shiinaha isaga oo noqon doona safiirkii Muxammad Tughlaq u fadhiya dalkaas, waxaana loo magacaabay sidoo kale inuu garsoore ka noqda halkaas, intii uu wadda kusii jiray waxa uu sii maray xeebaha Burma. Balse maxaa dhacay inta uusan gaarin Shiinaha?

Intaan ayaan ku hakinaynaa qaybta labaad ee maqaalka lasoco qaybta xigta insha Allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here