Maraykanka oo Duqaymo ku Bartilmaameedsaday Kooxo Xiriir la leh Iran oo ku Sugan Suuriya.

25
0

Ciidamada Maraykanka ayaa subaxnimadii maanta qaaday, weeraro cusub oo ka dhan ah koox hubaysan oo ay Iran taageerto oo ku sugan Suuriya, taas oo jawaab u ah weerar gantaal ah oo lala beegsaday ciidamada Maraykanka shalay Talaadadii, sida uu ku dhawaaqay Malatariga Maraykanka.

Taliska dhexe ee Maraykanka (Centcom) ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay, in duqaymaha lala beegsaday  bakhaar lagu kaydiyo hubka iyo xarunta taliska saadka, taasoo jawaab u ahayd gantaal lagu weeraray askar Maraykan ah oo ku sugnayd saldhigga Al-Shaddadi  ee dalka Suuriya, Iyadoo aan la sheegin cidda ay yihiin kooxda hubeysan.

Maalin ka hor, ciidamada Maraykanku waxay qaadeen, 9 weerar oo ka dhan ah bartilmaameedyo  lala xiriirinayo Iran oo ku yaalla Suuriya, sidoo kale waxay jawaab u ahaayeen weerarro  lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Suuriya, sida uu sheegay militariga Mareykanka.

Ilo-wareedyo Suuriyaan ah ayaa ku waramaya in duqaymahaasi lagu dilay 4 xubnood oo ka tirsan kooxaha taageersan Iran.

Ku dhawaad ​​900 oo askari oo Ameerikaan ah  ayaa ku sugan Suuriya, halka illaa 2,500  askarina ay joogaan Ciraaq, kuwaas oo qeyb ka ah isbaheysi la aas aasay 2014, waxayn dhibaata wayn ku haayaan  shacabka Muslimka ah ee dagan dalalkaas, waxaana intaas dheer inay difaac uyihiin ciidamada Sahaayinada ee gumaadka kawada Gaza iyo Lubnaan.

Tan iyo markii ay Yahuudda bilowday dagaal ba’an ee ay ku qaaday Marinka Gaza Oktoobar 7, 2023, dagaalkaas oo ay ku dhinteen kumanaan falastiiniyiin ah, oo u badan carruur iyo haween, kooxaha taageersan Iran ayaa si isdaba joog ah ubartilmaameedsaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya iyagoo ka jawaabaya taageerada Washington ee  Tel Aviv.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here