Maxaan ka ognahay Dhulmareenkii Muslimka Ahaa ee noolaa Qarniyadii Dhexe. Guud Marka Socdaalkii Ibnu Batuuta Qaybta (3)

27
0

Waxaa noogu danbaysay maqaalkii labaad iyadoo Muxammad Tughlaq uu soo jeediyay in Ibnu Batuuta laga dhigo safiirka dawladiisa ufadhiya Shiinaha, kaddibna uu Ibnu Batuuta dalabkaasi gacma furan kusoo dhaweeyay, waxaana maraynay iyadoo uu Ibnu Batuuta uu ku guda jiro safarkiisii Shiinaha.

Balse intuusan gaarin Shiinaha burcad-badeeddkii Hinduuga ahaa ayaa weerar ku qaaday maraakiibtii iyo dadkii saarnaaba xilli ay ku socdaalayeen xeebaha Hindiya, waxayna qafaasheen Ibnu Battuta, balse Allah mahaddi waxa uu ku guulaystay inuu baxsado.

Intii uu sii socday, wuxuu go’aansaday inuu booqdo jasiiradda “Dhiba Al-Mahal” oo hadda loo yaqaanna jaziirdda Maldives, oo ku taalla Badweynta Hindiya, kuna beegan koonfurta dalalka Hindiya iyo Sri Lanka.

10 maalmood kaddib markii uu ka soo kicitimay xeebaha koonfureed ee Hindiya ayuu degay Jaziiradaas, waxaana ku soo dhaweeyay dadkii degganaa, oo marti galiyay, una magacaabay garsoore, iyagoona aad umaamuusay.

Sannad kaddib markii uu galay Shiinaha, Ibn Battuta ayaa mar kale ku laabtay Makka, taas oo uu ku sugnaa muddo, ka hor inta uusan ku laaban waddankiisii Moroco sannadkii 1349-kii ee miilaadiyada.

Waxa uu soo gaaray magaalada Fez ee caasimad u ahayd Moroco xiligaas, kaddibna waxa uu galay magaalada Tangier oo ah halkii uu safarka kasoo bilaabay, waxaana loo sheegay in ay hooyadii dhimatay bilo ka hor intii uusan imaanin, halka aabbihiina uu dhintay sannado ka hor.

Sannad markii laga jooga safarkiisii ugu horreeyay, Ibn Battuta wuxuu hadana u istaagay safar labaad, laakiin wuxuu ahaa mid gaaban marka loo eego kii hore, wuxuu u safray Granada ee Andalusia isagoo sii maray marin-biyoodka Jebel Tariq.

Sannadkii 1353-kii, waxa uu guda galay Ibn Battuta safar saddexaad oo qaatay muddo laba sannadood ah, isaga oo u socdaalay dalka Boqortooyada Mali ee galbeedka Suudaan, isaga oo ka tallaabay saxaraha wayn.

Wuxuuna gaaray webiga Niger, kaddibna wuxuu gaaray magaalada Timbuktu ee dalka Maali, ka hor inta uusan ku laaban dalkiisa sanadkii 1355-tii miilaadiyada.

Socdaalkiisii dheeraa ee qaatay 30-ka sano, Ibnu Batuuta hawshiisu kuma ekayn socdaal iyo sahan oo keliya, balse waxa uu mar mar shaqooyin iyo jagooyinba kasoo qabtay dhawr waddan oo uu soo galay.

Wuxuu garsoore ka ahaa Hindiya iyo Maldives, halka marna safiirnima loogu diray Shiinaha. Muddo ayuu degay Maldives, halkaas ayuuna ku guursaday, wuxuuna ka ahaa garsoore, sababtoo ah wuxuu ahaa caalim Muslim ah oo maqaam weyn ka helay Hindiya.

Kaddib markii uu yimid Morocco, wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay garsoorka, jagadaas oo uu hayay ilaa dhimashadiisa.

Sidoo kale, Ibnu Batuuta intii uu socdaalka ku jiray waxa uu ammaani jiray salaadiinta, boqorrada, iyo cuqaasha ku sugnaa dalalkii uu booqday, isaga oo ahaa nin uu Allah ku manaystay shicirka.

Taa baddalkeedana waxa uu helay deeq lacageed iyo qaar hadyado ah, kuwaas oo uu ilo dhaqaale oo uu kusii wadan karo safarradiisa u ahayd, iyadoo ay intaas udheertahay inuu heli jiray qof maalmo martigaliya, ama udhiiba shaqooyin uu ku maareeyo noolashiisa.

Muddo sannad ku dhow markii uu Ibnu Batuuta ka soo laabtay safarkiisii saddexaad oo ku beegnayd sannadkii 1356-kii, ayaa boqorkii Marooko ee wakhtigaas, Suldaaan Mariniid Abu Inan bin Abii Al-Hasan, waxa uu weydiiyey qoraagiisii Muxammad Ibnu Jazi Al-Kalbi Al-Gharnati., in uu Ibnu Batuuta waayaha iyo waxyaalihii uu soo arkay kitaab ka qora.

Ibn Jazi wuxuu la shaqeeyay Ibn Battuuta muddo laba sano ah si uu u qoro wixii uu la kulmay 30 sano, wuxuuna ku ururiyay kitaabka loo yaqaana”Al-Rixla”.

Waxaana lagu turjumay kitaabkaas dhawr luqadood oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin Luuqadaha kala ah: Bortuqiiska, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka, waxa uu ka warramayaa kitaabku dhacdooyinkii Ibnu Batuuta la kulmay intii uu safarka ku jiray, dadkii uu la kulmay iyo kuwii uu ku dhex milmay iyo madaxdii gobolladii uu booqday iyo kuwii uu la soo shaqeeyay.

Waxa uu kitaabku ka warramayaa sidoo kale, waxyaalihii soo jiitay maankiisa, sida dhaqamada umadahaas, dharka iyo cuntooyinka nooc walba leh iyo hababka loo diyaariyo, iyadoo intaas lagu darayo xaaladihii ay ku sugnaayeen magaalooyinkii iyo gobolladii uu booqday.

Ibn Battuuta markii uu dhammeeyey qorista kitaabkan waxa uu ufariistay garsoorka, halkaas oo uu ku qaatay intii ka harsanayd noloshiisa.

Geeridii Ibnu Batuuta.

Waxaa la isku khilaafay go’aaminta taariikhda uu dhintay Ibn Battuta, Waxaa jira ilo sheegaya in uu ku dhintay agagaarka magaalada Tangier ee waqooyiga Morocco sannadkii 770 ee Hijriyada, miilaadiyaduna ay ku beegnayd sannadkii 1368. Halka masaadirta qaarna ay tilmaamayaan in ay dhimashadiisa u dhaxaysay sannadkii 777 iyo 779-kii ee Hijriyada.

Magaalada Tangier ee waqooyiga dalka Morocco ayaa waxaa ku yaalla qabri loo tiriyo in uu ku aasan yahay Ibn Battuta, inkastoo aysan jirin ilo ka hadlaya dhimashadiisa magaaladan.
Intaan ayaan kusoo afmeeraynaa qormadii yarayd ee an ka samaynay socdaalkii Ibn Battuta.

…… DHAMAADKA……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here