Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ugu baaqay ciidamada dalkiisa, in ay xooga saaraan sidii ay udhamaystiri lahaayeen u diyaar garowga dagaalka,sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalkaas.
Kim ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay sababeen xiisadda gacanka inay gaarto marxaladdii ugu xumayd taariikhda.
Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa qoray, isagoo soo xiganayo ilo-wareedyo, in Kuuriyada Waqooyi ay hadda ka taageerto Ruushka dagaalka uu kula jiro Ukraine, kumana koobna tageerada ay siiso Askar iyo Rasaas oo keliya, balse wuxuu sidoo kale ku taageerayaa Hubka culus.