Ruushka oo Markale ku Hanjabay inuu Isticmaali Doono Hubkiisa Nukliyeerka.

19
0

Ruushka ayaa shaaca ka qaaday, inuu ku guda jiro dardar gelinta wax ka bedelka uu ku sameeyay caqiidadiisa Nukliyeerka, wuxuuna ku hanjabay inuu qaadi doono jawaab ku haboon oo la taaban karo, oo ku wajahan quwadaha reer galbeedka ee taageera Ukraine, kaddib go’aankii Washington ay ugu ogolaatay Kiev inay isticmaasho hubka casriga ah ee gantaalada riddada dheer, kuwaas oo ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada fog fog ee gudaha Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka – mar sii horreysay – in Ruushku adeegsan doono, inuu isticmaalo hubka nukliyeerka ah haddii Ukraine ay adeegsato gantaaladaas riddada dheer, wuxuuna ku hanjabay inay jawaab dagdaga kabixin doonaan.

Wax ka bedelka caqiiqada Nukliyeerka  ayaa loo arkayay isku day uu Putin ku doonayo, inuu ku handado Maraykanka iyo xulafadiisa, isagoo tilmaamay in Moscow ay ku jawaabi doonto isticmaalka hubka Nukliyeerka, haddii reer galbeeedku u ogolaadaan Ukraine inay Ruushka ku duqayso gantaalaha riddada dheer ee reer galbeedku ugu deeqeen.

Tan iyo markii Donald Trump uu ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday Mareykanka, saraakiisha sare ee maamulka Biden ayaa sheegay, in ay isticmaali doonaan waqtiga uga haray mudo xileedkooda, si ay u xaqiijiyaan awoodd ay Ukraine kusii dagaalami karto sanadada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here