Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgal gaar ah oo ay xalay ka fuliyeen magaalada Moqdisho.
Ciidamada Alshabaab ayaa xaafadda dabaqeenka ee degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho, ku dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo katirsanaa ciidamada Booliis Militaaro.
Labadaan askari ee la diley ayaa lagu kala magacaabi jirey Shaafici iyo Cabdifitaax.
Wararka ayaa intaas ku daraya in labadaan askari laga furtay hubkii ay wateen oo kala ahaa Laba qori oo Ak-47 ah, Sida ay sheegtay idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka xarakada Alshabaab.