Ukraine oo Markii ugu Horaysay Adeegsanayso Gantaallada Atakms ee lagu Farsameeyo Maraykanka.

19
0

Ruushka ayaa ku dhawaaqay, in Ukraine ay 6 gantaal oo ah nooca Atakms-ka ee uu oogu deeqay Maraykanka ay ku soo riday gobolka Bryansk ee dalka Ruushka.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in ciidamada Ukraine ay 6 gantaal oo ballistic ah ku rideen gobolka Bryansk, Waxay intaas ku dartay, in gantaallada ay qabteen nidaamyada difaaca hawada ee Pantsir iyo S-400 ee dalkaas.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka, waxaa la xaqiijiyay in burburka mid ka mid ah gantaalladaas uu ku dhacay xarun ciidan oo ku taalla deegaankaas, taasoo keentay in dab uu ka kaco goobta uu ku dhacay burburka gantaalka, wasaarada ayaa sheegtay, in weerarkaas uusan ka dhalanin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Goor sii horreysay, wakaaladda wararka ee Bloomberg  oo soo xiganaysa wakaaladda wararka ee Ukraine  ayaa sheegtay, in ciidamada Ukraine ay weerar ka fuliyeen aagagga dhaca xuduudda labada dal, iyaga oo markii ugu horaysay adeegsanaya nidaamka gantaalaha Mareykanka ee Atakms.

Kaddib markii madaxweynaha Maraykanka ee  Joe Biden uu u oggolaaday, in Ukraine ay adeegsan karto  hubka Mareykanka lagu sameeyo ee Atakms, ayaa waxaa barta internetka ee dowladda Ruushka lagu daabacay maanta dukumeentiyo muujinaya in madaxweyne Vladimir Putin uu ansixiyay, cusbooneysiinta caqiidada nukliyeerka ee dalkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here