Turkiga oo Madaxweynaha Yahuudda u Diiday Inuu Dul maro Hawadeeda.

20
0

 

Madaxweynaha Turkiga Rejep Tayyip Ordgan ayaa xaqiijiyay in Turkiga uu u diiday madaxweynaha Yahuudda Isxaaq Herzog inuu isticmaalo hawadeeda si uu uga qeyb galo shirka Qaramada Midoobay ee isbedelka Cimilada (COP29) ee ka dhacaya Asarbayjan, taasoo muujineysa mowqifka Ankara iyadoo ay jirto xaalad xiisad ah oo kala dhexeysa Yahuuda.

“Ma ogolaanin in madaxweynaha Yaahuudda uu isticmaalo hawadeena si uu uga qaybgalo shir madaxeedka COP, waxaan soo jeedinay wadooyin kale iyo doorashooyin kale,” ayuu Ordugan u sheegay saxafiyiinta shirka G20 ee Brazil.

“Laakiin run ahaantii ma garanayo inuu awoodo inuu tago iyo in kale,” ayuu raaciyay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Anaga, haddii aanu nahay Turkiga, waxa nagu khasbaya in aanu mowqif ka qaadano arrimaha qaarkood, waanna sii wadi doonaa”.

Herzog aakhirkii wuu baajiyay booqashadii, Sababta loo baajiyay booqashada, madaxtooyada Yahuudda waxay tiri “Marka la eego qiimeynta xaaladda iyo sababo ammaan dartood, madaxa qaranku wuxuu go’aansaday inuu baajiyo safarkiisa shirka cimilada ee Asarbayjan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here