1,000 Maalmood Kaddib, Waa Maxay Khasaaraha Ukraine ka Soo Gaaray Dagaalka? (Warbixin)

33
0

Shalay waxaa 1,000 maalmood laga joogay maalintii uu Ruushku dagaalka kusoo qaaday Ukraine, waa dagaalkii ugu dhiig daadinta badnaa oo Yurub ka dhaca tan iyo wixii ay ugu yeereen dagaalkii labaad ee aduunka. Iyadoo dagaaladu ay sii socdaan, waxaa kor ukacay khasaaraha nafeed  iyo midka maadiga ee ka dhashay dagaalka, iyadoo Ukraine ay wajahayso caqabado aan horay loo arag tan iyo bilowgii dagaalka 2022-ka.

Qaramada Midoobay ayaa tirakoob ay ku samaysay dadka ku dhintay dagaalkan waxay ku sheegtay, inay kor u dhaafayaan 11,700 oo rayid ah, halka in ka badan 24,600 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo bilowgii dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in tirada dhabta ah laga yaabo inay intaas ka badan tahay, gaar ahaan meelaha ay adag tahay in la gaaro sida Mariupol, oo ah magaalo uu ka dhacay burbur baahsan, waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada Ruushka.

Maamulka Ukraine ayaa sidoo kale ku dhawaaqay, in ku dhawaad ​​600 oo caruur ah ay naftooda ku waayeen dagaalka. Marka laga soo tago khasaarahaas dadka rayidka ah kasoo gaaray, ayaa haddana dadka ugu badan ee wax yeeladu ay gaartay waxay tirakoobyadu sheegayaan inay Askarta yihiin, iyadoo loo aaneynayo dagaalka tooska ah ee la isku adeegsanayo hubka cul culus iyo gaadiidka gaashaaman.

Dhankooda dawladaha reer galbeedka,  ayaa tilmaamaya in labada dhinacba uu soo gaaray khasaare aad u badan, iyadoo la rumeysan yahay in Ruushka uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray dagaalka,  Si kastaba ha ahaatee, Ukraine ayaa wajahaysa caqabad weyn, sababtoo ah dadkeeda oo yar marka loo eego Ruushka. Dagaalku wuxuu sababay in dadka ku nool Ukraine uu hoos udhac ku yimaado, kaas oo dhan  10 Milyan oo qof, waxaana sabab u ah tahriibka iyo barakaca uu dagaalku sababay.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa horay u sheegay, in inka badan 31-kun oo askar Yukreeniyaan ah lagu dilay dagaaladii ay la galeen Ruushka, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhaawacyada iyo askarta la la’yahay.

Labada dhinacba waxa ay aad u qarinayaan khasaaraha ciidan ee gaaray, waxaana qiyaasaha guud ee ay bixiyaan wadamada reer galbeedku ay aad uga duwan yihiin, midka uu ku dhawaaqay Zenelisky, iyada oo inta badan lagu saleeynayo warbixinada sirdoonka. Laakiin waxay tirakoobyada Sirdoonku qiyaasayaan  in ay jiraan boqolaal kun oo dhaawac iyo dhimasho ah oo labada dhinac soo kala gaaray.

Ruushka ayaa hadda gacanta ku haya qiyaastii shan meelood meel ka mid ah gobolada Ukraine, oo ay ku jiraan aagagga istiraatiijiga ah ee koonfurta iyo bariga Ukraine. Dhanka ciidamada Yukreeniyaanka ayaa sanadkan waxaa u suurtagashay in ay qaadaan weerar rogaal celis ah, waxayna guulo ka gaareen gobolada Ruushka sida Kursk, balse uma suurta galin in ay dib u soo ceshadaan inta badan dhulkii laga qabsaday ee gudaha Ukraine.

Dhaqaalaha Ukraine ayaa la kulmay hoos u dhac weyn, kaas oo lagu qiyaasay in saddex meelood meel uu hoos u dhacay, dhaqaalaha dalkan ayaa  weli ka dhigan inuu ka yaryahay  boqolkiiba 80% cabbirkiisii ​​dagaalka ka hor.

Qiimeyntii ugu dambeysay ee ay sameeyeen hay’adaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Bangiga Adduunka, Guddiga Yurub, Qaramada Midoobay, iyo dowladda Ukraine, ayaa muujiyay in dagaalka Ukraine uu sababay khasaare toos ah oo gaaraya $152 Bilyan oo Dollar, kaas oo ah tirakoob la sameeyay December 2023-kii.  Khasaarahan ayaa si gaar ah u carabaabaya qaybaha muhiimka ah ee ganacsiga dalkaas uu ku tiirsan yahay, sida guriyeynta, gaadiidka, ganacsiga, warshadaha, iyo beeraha.

Dowladda Ukraine iyo Bangiga Adduunka ayaa ku qiyaasay, kharashka ku baxaya dib u dhiska iyo soo kabashada Ukaraine, inay gaarayso  illaa $486 Bilyan oo Doollar dhamaadka sanadkii hore, lacagtaas oo kusoo laablaabmaysa illaa 2.8 jeer wax soo saarka guud ee Ukraine lagasoo saaray sanadka 2023-ka.

Dhanka tamarta, dagaaladu waxay si gaar ah u saameeyeen bartilmaameedyada uu Ruushku ku hayo kaabayaasha Tamarta laga dhaliyo, iyadoo uu Ruushku u adeegsanyo Gantaalada Riddada dheer ee uu kasoo ridayo gudaha Ruushka.

Dhoofinta Qamadiga, oo ah mid ka mid ah illaha ugu muhiimsan ee dakhliga Ukraine uu kutiirsan yahay, ayaa sidoo kale laga dareemayaa hoos u dhac weyn oo ku yimi marka loo eego dakhligii kasoo xaroon jiray dhoofinta Qamadigan dagaalka ka hor.

Marka la eego kharashadka dawladda Ukraine, waxay inta badan uqoondaysaa dakhligeeda inay isku difaacdo, ayadoo si wayn ugu tiirsan taageerada dhaqaale ee dalalka reer galbeedku ku bixinayaan dagaalka ay kula jiraan Ruushka, Qiyaasta dhaqaale ee ay sameeyeen baarlamaanka Ukraine ayaa tilmaamaysa, in dagaalkan uu keenayo khasaaraha  lacag dhan 140 Milyan oo Doollar maalin kasta.

Dagaallada sii soconaya  iyo maqnaanshaha wax calaamad ah oo muujinaya soo afjaridda colaadda, Ukraine waxay gelaysaa marxalad xasaasi ah oo u muuqata inay kala guur tahay, taas oo loo aanaynayo siyaasada Cusub ee uu dalka Maraykanku galay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here