Nin Qorsheynayay inuu Qarxiyo Suuq ku Yaalla New York oo Gacanta lagu Dhigay.

30
0

Arbacadii, mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu qarxiyo suuqa saamiyada New York toddobaadkan, sida ay sheegtay FBI-da Maraykanka.

New York Stock Exchange, oo sidoo kale loo yaqaano Wall Street Stock Exchange, waa mid ka mid ah calaamadaha utaagan hanti-wadaaga Maraykanka iyo wadnaha warshadaha maaliyadeed ee Ameerika.

Harun Abdul Malik Yanir oo 30 jir, oo ka yimid magaalada Coral Springs oo dhacda gobalka Florida, ayaa lagu soo oogay inuu isku dayay inuu isticmaalo walxaha qarxa si uu u burburiyo dhismo loo isticmaalo ganacsiga gobolada.

FBI-da ayaa bilaawday baaritaanka Yinir bishii Febraayo ee la soo dhaafay, iyada oo ku saleysan warbixin sheegeysa, in uu  Yinir kaydsanayay qaababka bambaanooyinka loo sameeyo.

Baarayaasha ayaa helay sawiro lagu sameeyo bambooyinka, dhowr saacadood oo ah kuwa waqtiga xisaabiya, iyo qalab kale oo elegtarooni ah oo loo isticmaali karo in lagu sameeyo walxaha qarxa, sida ay sheegtay FBI-da, waxayna intaas ku dartay, in ninkaan uu sidoo kale ka baarayay mareegaha Internetka waxyaaba la xiriira soo saarista bambooyinka tan iyo 2017-kii.

Eedeysanaha ayaa markii ugu horreysay shalay galab oo Arbaco ahayd ka soo muuqday Maxkamadda, waana la sii hayn doonaa inta laga maxkamadaynaya, Maraykanka ayaa ka cabsi qaba in uu dalkiisa mar labaad marti galiya wixii dhacay 11 September oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here