Illo-wareedyo rasmi ah oo ka tirsan ciidamada Sudan ayaa warbaahinta u sheegay manta, in askartoodu ay hormar ka samaynayaan furimaha dagaalka, dhanka kalana ay wiiqeen awooda kooxda RSF, kuwaas oo dib u gursho ku jira.
Maanta oo khamiis ah, Ciidamada Suudaan iyo Xooggaga RSF ayaa Madaafiic goosgoos ah isku weydaarsaday Gobolka Khartoum, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Sidoo kale, Qoryaha lidka Diyaaradaha ee Ciidanka Sudaan ayaa soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay xooggaga RSF u adeegsanayeen duqayn ay ka fuliyeen magaalada Atbara ee Waqooyi-bari Khartoum.
Diyaaradan ay soo rideen ciidamada Dawlada Sudan, ayaa duqayn ka gaysatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Atbara, oo ah magaalada ugu weyn gobolka Wabiga Niil. Waxaa xusid mudan in weerarkan uu yahay kii Saddexaad oo muddo toddobaad gudihiis ah lagu qaado magaaladan.
Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, ciidamada Suudaan waxay dib u qabsadeen aagag kala duwan oo ay ku jiraan Omdurman iyo gobolka Gezira, waxayna sidoo kale iska caabiyeen weerarro ay RSF ku soo qaaday magaalada El Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur.