Rushka oo Markii ugu Horaysay Dagaalka Ukraine u Adeegsaday Gantaalada Palastiga ah ee Xambaara Madaxyada Nukliyerka.

24
0

Iyadoo uu meel xasaasiya marayo dagaalka u dhaxeeya Rushka iyo Ukraine, waxaa hadana xaaladii dagaalka badalay go’aankii dhawaan uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Maraykanka, ee Ukraine loogu ogalaaday inay adeegsato Gantaalada Riddada dheer, si ay ugu beegsato xarumaha Ruushaka.

Kiev ayaa xaqiijisay in manta oo  Khamiis ah, Moscow ay soo ridday gantaal ballistic ah oo isaga kala goosha qaaradaha, gantaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo Moskow u adeegsato dagaalka ay ku soo qaaday Ukraine 2022-kii.

Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay, in ciidamada Ruushku ay subaxnimadii hore ee saaka weerarkan ku bartilmaameedsadeen magaalada Dnipro, kaas oo gaysatay khasaare xooggaan.

Dhanka kale dawlada Ruushaka ayaa diiday inay ka hadasho eedaymaha uga imaanaya dalka Ukraine, kaas oo ah in ay weerarkan u adeegsadeen gantaal Plastic ah oo qaaradaha iskaga kala goosha.

Afhayeenka Kremlin-ka ninka lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa shir jaraa’id oo uu uqabtay saxaafada ku sheegay, isagoo ka jawaabaya hadalkii kasoo yeeray dawlada Ukraine, wuxuu yiri “ wax hadal oo aan ka dhahayo arintaas  majirto”.

Dhanka kale, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay dalalka reer galbeedka, inay kusii adkaystaan tallabadii uu Baidan ugu ogaladay Ukraine isticmaalka Gantaalada Riddada dheer, isagoo sheegay inay ka dhigan tahay ka qaybgalka tooska ah ee ay NATO kasoo qayb galayso Dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here