Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa qirtay, in dagaaladii ka dhacay waqooyiga Marinka Gaza, looga dilay askari darajadiisu ahayd sarkaal sare oo ka tirsanaa guutada Tasbar, halka warbaahinta Sahaayinada ay sheegtay, in 29 askari la dilay tan iyo markii uu bilowday hawlgallada milatari ee ay gumaytaha ka wadaan magaalada Jabalia ee waqooyiga marinka Gaza.
War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada gumaystaha ayaa lagu xaqiijiyay, in askari 19 jir ah oo lagu magacaabo Ron Epstein, kana tirsanaa guutada Tsbar ee liwaaga Givati, la dilay shalay Khamiistii, kaddib markii uu qarax ka dhacay Jabalia.
Dhanka kale, wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa xaqiijiyay, in militariga Yahuudda uu illaa hadda ku dhawaaqay, in 29 askari looga dilay dagaalladii ka dhacay waqooyiga marinka Gaza, isagoo xaqiijiyay in 3 guuto oo ka tirsan qeybta 162-aad ee ciidamada Yahuudda ay ka dagaalamayaan Jabalia muddo 48 maalmood ah.
Tan iyo Oktoobar 5 teedii, ciidanka gumaystaha waxa ay ku soo duuleen waqooyiga marinka Gaza, iyagoo ku marmarsiyoonaya inay ka hortagayaan Xamaas inay dib u soo ceshato awooddeeda gobolka.
Balse Falastiiniyiintu waxay sheeganayaan, in Sahaayinadu ay doonayso inay qabsato waqooyiga Marinka Gaza oo ay ka dhigto aag difaac ah, kaddib markii ay ka barakicisay dadkii degganaa halkaas.