Agaasime isbitaal iyo 6 Shaqaale ah oo ku Dhitay Weerar ay Yahuuddu ka Fulisay Lubnaan.

18
0

Weerar ay Shalay  Yahuudda ku qaadday degmada Baclabek ee bariga Lubnaan ayeey ku dishay nin agaasime ka ahaa  isbitaal gaar loo leeyahay iyo 6 ka mid ah shaqaalihii isbitaalka.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay, in weerar ay  ciidamada Yahuudda la beegsadeen guriga Ali Rakan Allam, oo ah agaasimaha isbitaalka Jaamacadda Dar Al Amal oo ku yaalla magaalada Dorris ee degmada Baclabek,  lagu dilay isaga iyo tiro saaxiibbadiis ah, mana cayimin wakaaladda tirada dadka la geeriyooday  agaasimaha.

Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa ku sheegtay bayaan dambe, in agaasimaha iyo 6 ka mid ah shaqaalihiisa ay geeriyoodeen iyagoo isbitaalka ku jira,  sidoo kale Wasaaradda  ma cadaynin in 6 qof ee dhintay ay ahaayeen shaqaale caafimaad ama maamulayaal.

Wasaaraddu waxay tilmaamtay, in weerarada joogtada ah ee ay ciidamada Sahaayinadu ku bilaabeen shaqaalaha caafimaadka iyo xarumaha Lubnaan inay yihiin dambiyo dagaal.

Tan iyo 31-kii Oktoobar, ciidamada Yahuudda waxay si weyn u kordhiyeen gardarada ay ku hayaan degmada Baclabek, iyagoo ku andacoonaya inay bartilmaameedsanayaan kaabayaasha Xizbullaah, taasoo ka dhasheen boqolaal dhimasho iyo dhaawac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here