Askar iyo Saraakiil Katirsan Yahuudda oo Dhimasho iyo Dhawac ku Noqday Weerar ka Dhacay Waqooyiga Marinka Qaza.

22
0

Guutada Cisu-Diin Al-Qassam, garabka militari ee ururka  Xamaas, ayaa shalay oo Jimce  ahayd ku dhawaaqay, in ay weerar ku qaadeen askar katirsan Sahaayinada isla markaana ay beegsadeen gaadiid dagaal oo ay Yahuuddu leedahay, kaddib hawlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen magaalada Rafah.

Dhanka koonfureed waxa ay sidoo kale sheegteen, in ay bartilmaansadeen ciidamada Yahuudda ee ku sugan magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Qaza, halkaas oo ay ku dileen kuna dhaawaceen xubno katirsan ciidanka Yahuudda.

Dhanka kale guutooyinka Al-Qudus oo ah garabka melleteriga ee Xarakada Jihaad Islaami ayaa sheegtay, in dagaal hubeysan ay la galeen ciidamada gumeysiga Yahuudda ee ku sugan magaalada Beit Lahia.

Dhankooda, ciidanka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay – shalay oo jimco ahayd – in sarkaal ka tirsan guutada Nahal uu si xun ugu dhaawacmay dagaal ka dhacay koonfurta marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here