Raadiyaha ciidamada Yahuudda ayaa maanta ku dhawaaqay, in boqolaal kun oo oo katirsan shacabka Yahuudda ay ku carareen godadka looga gabado gantaallada, kaddib markii seeriga laga shiday bartamaha dhulka Falastiin ee ay Yahuudda xoogga ku haysato, kaddibna waxaa xigay in gantaallo laga soo tuuray Lubnaan.
Raadiyaha ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, in ay isha ku hayaan 5 gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan kuna sii jeeday deegaanka Sharon, iyagoo xusay in 4 gantaal la qabtay, halka midka shanaadna uu ku dhacay meel bannaan ah.
Channel-ka 13-aad ee Yahuudda ayaa xaqiijiyay, dhawaaqa qaraxyo ka dhacay bartamaha dhulka gumaysiga ku jira ee Falastiin, kaddib markii ay la socdeen gantaalada laga soo tuuray Lubnaan.
Ciidamada Yahuudda ee ku sugan Galiila oo ku taalla waqooyiga dhulka Falastiin ee la haysto, ayaa tilmaamay inay ka hortageen laba diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo ka soo duuley Lubnaan kuna wajahnaa Galbeedka Galiil.
Dhanka Lubnaan, ciidamada Sahaayinada waxay uga digeen dadka deggan tuulooyinka kala ah: Zawtar al-Sharqiya, Zawtar al-Gharbiya, Arnoun, Yahmar, iyo al-Qasiba ee koonfurta dalkaas inay isaga guuraan, iyagoo isku diyaarinaya inay duqaymo ka gaystaan goobahaasi, waxayna ka codsadeen dadka inay aadaan waqooyiga wabiga Awali.
Tan iyo markii uu billowday howlgallada dhulka ah ee ay ciidamada Yahuudda ka wadaan koonfurta Lubnaan billowgii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, waxay digniino kuwan la mid ah u jeediyeen tobannaan tuulo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan ka hor inta aysan duqaymo iyo burburin ka gaysanin.
Dhankeeda, Wakaalladda Wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay, in diyaaradaha Yahuudda ay saaka duqaymo ku bartilmaameedsadeen magaalooyinka Shaqra iyo Baraashit, waxayna burburiyeen tiro dhismayaal ah iyo guryo la deggan yahay.