Hossam Abu Safiya, oo ah maamulaha guud ee cisbitaalka Kamaal Adwan, ayaa ku dhaawacmay weerar ay fuliyeen diyaaradaha cadowga, dhaawacan ayaa dakhtarka kasoo gaaray bowdada bidix, kaddib duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay cisbitaalka Kamaal Adwaan ee ku yaalla waqooyiga Marinka Qaza.
Duqeynta oo ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, ayaa lala beegsaday xarunta Ogsajiinka ee cisbitaalka Kamaal Adwaan, iyadoo laga cabsi qabo in cisbitaalka uu dab qabsado, kaddib markii uu dab qabsaday haamihii Ogsajiinta.
Xaaladda caafimaad ee Abu Safiya, ayaa ah mid lala tacaalayo, taas oo ay ugu wacan tahay dhaqaatiir yari iyo burbur soo gaaray qalabkii iyo agabkii caafimaadka ee cisbitaalka, Xaruntan ayaa ka mid ah saddex xarumood oo si gabaabsi ah uga shaqeynaya cirifka waqooyi ee marinka Qaza.
Abu Safiya ayaa lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah shaqsiyaadka caanka ka ah dhakhaatiirta caafimaad ee marinka Qaza, maadaama uu hogaamiyo kooxo caafimaad oo ka shaqeeya cisbitaalada marinka Qaza
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada gumeysiga ay sii wadeen duullaanka iyo duqeymaha ay ka geysanayaan waqooyiga marinka Qaza, kaas oo gaystay burbur iyo barakac baahsan oo sameeyay nolosha boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah.