Hawgaladii ugu Dambeeyay ee Muqaawamada Falastiiniyiintu ku Beegsadeen Ciidamada Yahuudda.

19
0

Guutada Al-Qassam ee ah Garabka Millatari ee ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay, fulinta hawl-gal qorshaysan oo dagaalyahannadoodu ku beegsadeen ciidammada lugta ah ee Yahuudda.

Askar Yahuudd ah oo tiradoodu gaarayso 5 askari, ayay Muqaawamadu ku beegsadeen qoriga lidka Taangiyada, kuwaas oo noqday wax dhinta iyo wax dhaawacma.  Dagaalyahannada Al-Qassam ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday gaari ciidan, kaas oo ay ku beegsadeen gantaalka “Al-Yassin 105”, weerarka kaddib waxaa la arkayay  diyaarado Helikobter ah oo ku soo degaya meel u dhow meesha  uu weerarku ka dhacay, si ay udaabulaan askarta dhimashada iyo dhaawaca ku noqday weerarkas.

Guutada Al-Qassam ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday, in ay duqeeyeen saldhigga melleteri ee Raciim, kaas oo ku yaalla Marinka Qaza, waxaana ay ku garaaceen tiro gantaallo ah, oo ah nooca riddada gaaban ee loo yaqaano “Rajuum”.

Dhankooda, ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, inay ka hortageen laba gantaal oo laga soo tuuray dhanka Qaza, gantaaladan ayuu raadiyaha Yahuuddu sheegay in lagasoo tuuray gudaha magaalada Khan Yunis ee dhacda Koonfurta Marinka Qaza.

Ciidamada Yahuudda ayaa mudo 13 bilood ah marinka Qaza kawada duulaan cadowtooyo, kaas oo ay ku doonayaan inay kusoo afjaraan kooxaha muqaawamada Falastiiniyiinta, balse damacoodan guracan ayaa u muuqda mid ay ku fashilmeen, ayagoo marinka kala kulmay dhiigbax joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here