Xaalad adag oo soo Wajahay Dhaqaalaha Magaalada Haifa ee ku jirta gacanta Yahuudda.

18
0

Duqa magaalada Haifa ee waqooyiga dhulka Falastiin ee gumaysiga ku jira, ninka lagu magacaabo Yona Yahav, ayaa Axaddii sheegay, in magaalada ay ka jirto xaalad dhaqaale oo aad u adag, kaddib markii dukaamadii magaalada  la xiray sababo la xiriira gantaallada ay ku garaacayaan ururka Hizbullaah.

Ninkaan ayaa sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta Yahuudda, in uu maanta tagi doono Kaniisadda  si uu xubnaha baarlamaanka Yahuudda ugu sharaxo xaalada adag ee ka jirta magaalada.

Wuxuuna sidoo kale sheegay Yahav, in guddiga Maaliyadda ee Kaniisadda  iyo maamulka Yahuudda aysan fahamsaneen  dhacdooyinka xun iyo khatarta ka dhacaysa halkaas. “Haifa waa la bar tilmaameedsanayaa, dhaqaaluhu wuu burburayaa, magaaladuna dhaqaale ahaan waa fadhiid, kaddib markii dukaamada la xiray. Ayuu yiri Yahav isagoo quus ka muujinaya xaaladda magaalada.

Hizbullaah  ayaa sii xoojisay beegsiga ay ku hayso magaaladan, oo ay ku jiraan dhismayaal ciidan iyo xarumo dhaqaale oo muhiim u ah Sahaayinada, iyadoo intaas lagu daraya beegsiga ay ku hayaan deegaamada Krayot Haifa Bay, taas oo sababtay khasaare nafeed iyo dab ka kaca goobahaas.

Sidoo kale duqa magaalada Petah Tikva, ninka lagu magacaabo Rami Greenberg, ayaa sheegay in dhakhaatiirta cilmi-nafsiga la geeyay magaalada, kaddib markii gantaal laga soo tuuray Lubnaan uu kusoo dhacay magaalada.

Raadiyaha Yahuudda FM 103 ayaa ka soo xigtay Greenberg isagoo leh, “Shaqaalaha bulshada ayaa la dhigay goobta uu gantaalku ku dhacay.”

Greenberg ayaana  u sheegay Channel 12 ee Yahuudda in laba ruux ay ku dhaawacmeen  gantaal laga soo tuuray Lubnaan, oo ku dhacay dhismo ku yaalla deegaanka Petah Tikva,  wuxuuna intaas ku daray, in isu socodka hawada ee garoonka Tel Aviv la joojiyay sababa amni daradood.

Warbaahinta rasmiga ah ee Sahaayinada ayaa baahisay, muuqaal muujinaya burbur baahsan oo soo gaaray dhismo ku yaalla magaalada Petah Tikva, kaddib markii uu si toos ah ugu dhacay gantaal laga soo tuuray Lubnaan, taasoo keentay inuu dab qabsado goobta.

Haifa waxa ay ku taallaa gobolka Karmel, waana magaalada saddexaad ee ugu dadka badan marka laga soo tago Qudus iyo Tel Aviv, waxaana ku nool ilaa 300 oo kun oo qof oo ay ku jiraan 34 kun oo Carab  Falastiiniyiin ah oo aanay kooxaha Sahyuuniyadda ahi ku guulaysan inay ka barakiciyaan.

Haifa waa xarunta gaadiidka, tignoolajiyada, tamarta iyo warshadaha hubka, taas oo ka dhigaysa magaalo istiraatiji ah oo saamaynaysa guud ahaan Yahuudda, maadaama ay sidoo kale ku jirto mid ka mid ah xarumaha ganacsiga badda ee ugu weyn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here