duqa magaalada Nahariya ee waqooyiga dhulka Falastiin ee la haysto, ayaa shalay sheegay, in Tel Aviv ay ku guul-darraysatay ilaalinta amniga muwaadiniinteeda, isla markaana ay ku khasaartay lacag aad u badan oo miisaaniyaddeeda oo ay ku bixisay sugidda amniga.
Raadiyaha Yahuudda ayaa Marley ka soo xigtay isagoo leh, “Israa’iil waxay ku guuldaraysatay inay sugto ammaanka muwaadiniinteeda, waxayna horay u lumisay miisaaniyad aad u badan si ay u daadgureyso dadka deggan koonfurta ku aadan marinka Gaza.”
Bilowgii dagaalka duufaan Al-Aqsa, Sahaayinadu waxay daadgureysay dadkii degganaa degsiimooyinka ku dheggan marinka Gaza, sababo la xiriira gantaallo ka imaanayay kooxaha Falastiiniyiinta, iyadoo Lubnaan ay soo gashay safka taageerada maalintii xigtay, Yahuudda ayaana sidoo kale ku amartay shacabkeeda dagana goobaha udhow xadka Lubnaan inay isaga guuraan sababo amni dartood.