Wasaaradda caafimaadka ee Marinka Qaza ayaa sheegtay, shalay fiidnimadii Axadda, in ciidammada Yahuuddu ay 4 xasuuq u geysteen qoysas ku nool Marinka Qaza, taasoo sababtay dhimashada 35 qof iyo dhaawaca 94 kale, xasuuqyadan ayaa dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Wasaaraddu waxa ay intaa ku dartay in tiro dad ah ay wali ku jiraan burburka dhismayaashii dumay, kuwaas oo gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kuwa difaaca rayidka aysan gaari karin.
Afar falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla xerada Bureij ee bartamaha marinka Qaza. Labo falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ku shahiiday kuwa kalena waa ay dhaawacmeen, kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo Yahuuddu leedahay ay duqeystay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla xerada Al-Maghazi.
Xafiiska warbaahinta dowladda ee Marinka Qaza ayaa sheegay, in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay kordheen weerarada lagu qaaday cisbitaalka Kamaal Adwaan, iyadoo cisbitaalka lagu garaacayay duqeymo joogto ah oo loo adeegsaday madaafiic iyo bambaanooyin diyaaradeed iyo rasaas toos ah oo lagu garaacayay qolalka bukaanada.
Xafiisku waxa uu tilmaamay in tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, ay ciidamada Yahuuddu bartilmaameedsanayeen nidaamka caafimaadka ee marinka Qaza, iyaga oo burburinaya xarumaha Caafimaadka iyo goobaha kale ee dadka lagu daryeelayo, weeraradan cadowtooyo waxaa ku shahiiday wax kabada 1,000 dakhtar, kuwaas oo isugu jiray dhakhaatiir waawayn iyo kalkaaliyayaal caafimaad.