7 Qof oo Ku Dhintay Duqeyn ay Fuliyeen Kooxda RSF oo ka Dhacday Xero ay Daganaayeen Dad Barakacayaal ah.

18
0

Illo deegaanka ah, ayaa ku waramaya in 7 qof oo rayid ah ay ku dhinteen 47 kalena ay ku dhaawacmeen fiidnimadii Sabtida magaalada Al-Fasher,  kaddib markii ay madaafiic xooggan ay ciidamada RSF ku garaaceen suuqa xerada Abu Shucuud, ee waqooyiga magaalada Al-Fasher.

Maalmihii lasoo dhaafay magaaladan waxaa ka dhacayay dagaallo culus oo ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada dawlada Suudaan iyo xoogaga Taageerada degdega ah, taasoo ku qasabtay dadkii deegaanka inay iskaga barakacaan guryahooda oo ay u cararaan meelo nabdoon.

Agaasimaha guud ee caafimaadka ee waqooyiga Darfur Dr. Ibrahim Khater ayaa u sheegay Aljazeera Net, in wasaaradiisu ay diiwaan galisay 7 qof oo ku shahiiday weerarada, kuwaas oo ahaa dad rayid ah oo dhamaantood ay ahaayeen haween, halka ay 47 kalana ku dhaawacmeen.

Kumanaan qof oo barakacayaal ah oo ku sugan Xerada Abuu Shucuud ee Waqooyiga Al-Fasher, ayaa ku nool xaalad cabsi ah, kaddib markii Suuqyadooda iyo Guryahooda lagu garaacay Madaafiic halis ah oo ay ridayeen Ciidamada taageerada Degdegga ah, kuwaas oo dagaallo adag kula jira ciidamada Dawlada Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here