Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Ruushka oo Dab Qabsaday Ayadoo Hawada ku Jirta.

21
0

 

Diyaarada Sukhoi Superjet oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha Ruushka ee Azimuth ayaa la kulantay shil halis ah, xilli ay ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Antalya.

In ka badan 90 qof ayaa laga daadgureeyay diyaarad Rakaab ah oo laga leeyahay dalka Ruushka shalay maqribnimadii, kaddib markii mid ka mid ah matooradeeda uu dab qabsaday xilli ay ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Antalya ee koonfurta dalka Turkiga, sida ay shaacisay wasaaradda gaadiidka ee Turkiga.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in dab uu ka kacay matoorka bidix ee diyaaradda Sukhoi Superjet-100, oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Azimuth Airlines, xilli ay ku soo degeysay garoonka Antalya ee xeebta Mediterranean-ka ee dalka Turkiga.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in si degdeg ah loo damiyay dabka, waxaana si nabad gelya ah loo daad gureeyay dhammaan 89-kii rakaabka ahaa iyo 6-shaqaale ahaa oo diyaarada la socday, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay shilkan.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay cutubyo gurmad ah oo isku dayaya in ay damiyaan dabka, iyadoo uu jiro holac iyo qiiq ka baxaya matoorka diyaaradda.

Shirkadda diyaaradaha ee Azimuth ayaa sheegtay in diyaaraddu ay si xun u degtay  dabeylo xooggan oo jiray awgeed. Hay’adda Gaadiidka Cirka ee Ruushka Rosaviatsia ayaa sheegtay in ay baarayso  waxa sababay shilkan.

Sida laga soo xigtay FlightRadar24, oo ah mareegaha dabagalka duulimaadyada diyaaradaha, oo shaqynaysa mudo  7 sano ah, ayaa sheegaysa in Ruushka ay soo food saartay gabaabsi diyaaradeed, taas oo ay sabab u tahay cunaqabateynta reer galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka, wixii kadambeeyay dagaalkii ay kusoo qaadeen dalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here