Dhul-go’ iyo Daadad ku Dhuftay Jasiiradda Sumatra ee Dalka Indonesia.

16
0

Kooxaha gurmadka ee dalka Indonesia ayaa soo saaray meydadka 16 qof oo ku hoos jiray dhooqo iyo dhagxaan ay wadeen daadad xooggan oo ku dhuftay tuulooyinka dhaca dhulka buuraleyda ah ee jasiiradda Sumatra, Halka tiro kalena wali la la’yahay.

Dhoobo, dhagxaan iyo geedo ayey biyuhu  kasoo  qaadeen buurta  dusheeda, kaddib roobab mahiigaan ah oo da’ayay Axadii iyo Sabtidii lasoo dhaafay , waxaana buux dhaafay wabiyaashii halkaas ku yaallay, kuwaas oo baabi’iyay 4 goobood oo la dagan yahay  oo ku yaalla dhulka buuralayda ah ee dhaca waqooyiga jasiiradda Sumatra, biyaha ayaa sidoo kale  qaaday guryo ay dadka deegaanka lahaayeen, waxayna burbur ugaysteen beerihii halkaas ku yaallay.

Josperi Nadek, oo ah madaxa hay’adda maareynta masiibooyinka maxalliga ah ayaa sheegay, in Booliska, askarta iyo shaqaalaha samatabixinta ay adeegsanayaan qodayaal, qalabka beeralayda iyo gacmahooda si ay u raadiyaan dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ee ku jira burburka jasiiradda Semangat Gunung oo dhacda gobolka Karu.

Waxa uu sharaxay in samatabbixiyeyaashu ay soo saareen lix ruux oo meyd ah, kaddib markii uu dhulka la go’ay laba guri iyo muddul. dabayaaqadii Axadii lasoo dhaafay, Waxay sidoo kale laba ruux oo mayd ah  ka soo saareen webiga mara tuuladaas, kaddib markii daadad xooggan ay qaadeen ugu yaraan 10 guri ayna waxyeello u geysteen illaa 150 guri iyo dhismayaal ku yaallay tuulooyinka dhaca aagga Koonfurta Tapanuli ee dalka Indonesia.

Tobannaan qof  ayaa ku dhaawacmay daadadkaan baabi’iyay in ka badan 130 hektar oo dhul-beereed ah, waxaana la xaqiijiyay inay 4 qof  ku dhimatay degmada Deli Serdang.

Sidoo kale  dhowr guri ayuu Dhulka la go’ay  oo ku yaallay Harang Jolo, oo ah tuulo buuraley ah oo ku taalla degmada Padang Lawas. Maalin ka hor ayay ahayd markii kooxaha gurmadka ay soo saareen meydadka qoys ka koobnaa 4 qof oo ay ku jireen labo caruur ah, waxayna  soo badbaadiyeen ugu yaraan 3 qof oo dhaawac ah.

Waxaa xusid mudan in roobabkii dabeylaha watay ee da’ay bilihii October illaa March ay sababeen daadad iyo dhulka go’yo daran oo ka dhacay  Indonesia, oo ah dawlad ka kooban 17 kun oo jasiiradood, halka ay malaayiin qof ku nool yihiin dhulka buuraleyda ah ama ku dhow dhulalka dooxooyinka ee barwaaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here