Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in illaa hadda la helay 16 qof, kaddib markii markab ay saarnaayeen 45 qof uu ku degay deegaanka Marsa Alam ee gobolka Badda Cas ee Masar.
Maamulka gobolka ayaa ku dhawaaqay, in uu degay markabkan oo lagu magacaabo “Sea Story”, kaas oo ay saarnaayeen 45 qof oo ay ku jiraan 31 dalxiisayaal ah oo haysta jinsiyado kala duwan iyo 14 shaqaalaha markabka ah.
War qoraal ah oo uu soo saaray Guddoomiyaha gobalka ayaa lagu sheegay, in qaar ka mid ah dadkii badbaaday ay soo saareen diyaarad Helicopter ah, loona daabulay xuramaha daryeelka caafimaadka, waxaana weli socda baadi goobka dadka la la’yahay, waxaana iska kaashanaya baadigoob kooda Ciidamada Badda iyo kuwa malatariga ee dalkaas.