Maanta barqadii, Ciidamada RSF ayaa weerar loo adeegsado diyaarado ku qaaday goobo ku yaalla waqooyiga magaalada Omdurman ee dalka Suudaan, waxa ay sidoo kale duqeeyeen oo ay bililiqeysteen illaa 10 tuulo oo ku yaalla deegaan Bari kaga began wabiga Niil, sida ay illo xog ogaal ah u sheegeen warbaahinta.
Illo goobjoogayaal ah ayaa sheegay, in Ciidamada Taageerada Degdegga ah oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliye lahayn ay weerar ku qaadeen goobo ku yaalla deegaanka Karari, isaga oo intaa ku daray in ciidamada Suudaan ay uga jawaabeen duqayntaas gantaalada lidka diyaaradaha.
Weerarkan ay Kooxda RSF ku qaaday deegaankan ayaa noqonaya kii Labaad oo noociisa oo kale ah, kaddib markii sidan oo kale shalay Axadii u diqeeyeen xerada Waadi Saydna, kaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid maadi intaba, sida laga soo xigtay illo milateri oo ka tirsan ciidamada Sudaan.
Dhanka kale, warbaahinta dawladda Sudan ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay, in ciidamada Taageerada degdega ah ay bililiqeysteen illaa 10 tuulo oo ku yaalla saxaraha Um Dawa Ban ee deegaanka bariga wabiga Nile.
Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo xooggaga taageerada degdega ah, ayaa sababay barakaca in ka badan 11 Milyan oo qof, oo ay ku jiraan 3.1 Milyan oo ku barakacay dalka dibadiisa, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka caalamiga.