Ciidamada Dawlada Sudan oo ku Dhawaaqay inay Qabsadeen Magaallo Istaraatiiji ah.

16
0

Ciidamada dawlada Sudan ayaa ku dhawaaqay inay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Sinja ee xarunta gobolka Sennar, taas oo dhacda badhtamaha dalka Sudan, kaddib dagaallo qaraar oo magaalada ka socday muddo Labo maalmood ah.

Sinja waa caasimadii ugu horreysay ee ciidamada Suudaan ay dib ugala wareegaan gacan ku heynta xooggaga Taageerada degdega ah, tan iyo markii uu qarxay dagaalka Suudaan, 15-kii bishii April ee sanadkii hore, waxaana gacan ku heynta magaaladan utahay ciidamada dawlada goob istaratiiji ah.

Dhinaca kale, Ciidamada RSF ayaa weli ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Sinnar, gaar ahaan deegaanada kala ah Al-Dali, Al-Mazzam, Abu Hajjar, Kirkuk, iyo tuulooyinka galbeedka Dinder, waxaa sidaa Sheegtay warbaahinta gudaha ee dalka Sudan.

Ciidamada Tageerada Degdegga ah ayaa sidoo kale gacanta ku haya inta badan deegaanada Gobolka Gezira, marka laga reebo magaalada Al-Manaaqil iyo deegaanada ku dhow dhow, kuwaas oo gaaraya illaa xadka Gobolka Sennar ee koonfurta iyo galbeedka illaa Gobolka wabiga cad ee Nile.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo xooggaga taageerada degdega ah ayaa sababay barakaca in ka badan 11 Milyan oo qof, oo ay ku jiraan 3.1 Milyan oo ku barakacay dalka dibadiisa, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka caalamiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here