Tobaneeyo Qof oo ku Shahiiday Duqaymo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qaza.

15
0

Tobaneeyo qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday kuna dhaawacmay Qaza, kaddib duqaynta joogtada ah ee ay Yahuuddu ku beegsanayso Qaza, iyadoo ciidamada gumaysigu ay sii wadeen hawlgalkooda milatari iyo go’doominta aaggaga waqooyiga ee Marinka Qaza maalintii 53aad.

Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay, in 6 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, duqayn ay diyaaradaha Yahuuddu  ku beegsadeen guri ay degan yihiin qoyska Al-Jadba oo ku yaalla deegaanka Zarqa ee waqooyiga magaalada Qaza. Dadka ku shahiiday duqayntan waxaa kamid ahaa haween iyo caruur.

Dhakhaatiirta Isbitaalka la geeyay dadka dhaawaca ah ayaa sheegay, in xaaladda qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ay tahay mid halis ah, iyadoo kooxaha gurmadka ay weli wadaan baadigoobka dadka la la’yahay ee ku hoos jira burburka.

Wariyaha Aljazeera ee Qaza ayaa soo sheegay, in ugu yaraan 4 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen kuwa kale oo ay caruur ku jiraana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Yahuuddu la beegsatay guri ay degan yihiin qoyska Harb, oo ku yaalla agagaarka barkada Sheikh Radwan ee galbeedka magaalada Qaza. Dadka dhaawacmay ayaa loo gudbiyay isbitaalka Al-Ahley, waxaana dhaqaatiirtu sheegeen qaar ka mid ah dadka dhaawacmay, in xaaladooda caafimaad ay tahay mid halis ah.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay, in haweeney ay ku shahiiday tiro Falastiiniyiin ahna ay ku dhaawacmeen madaafiic ay Yahuuddu ku garaacday wadada Kishko ee xaafadda Al-Zaytuun ee koonfurta magaalada Qaza.

Bartamaha marinka Qaza weriyaha Aljazeera ayaa soo sheegay in qof falastiiniyiin ah uu ku shahiiday dad kale oo caruur ay ku jiraanna ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu ay la beegsatay guri ku yaalla xerada Bureij.

Wasaaradda caafimaadka ee marinka Qaza ayaa sheegtay, shalay maqribkii in ciidamada gumaysigu ay 24-kii saac ee la soo dhaafay laba xasuuq u gaysteen qoysas ku nool marinka Qaza, taasoo sababtay inay ku shahiidaan illaa 24 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​70 qof.

Wasaaradda ayaa hadalkeeda ku dartay in tiro dad ah ay weli ku hoos jiraan burburka guryahooda iyo waddooyinka, iyadoo shaqaalaha gargaarka degdega ah aysan  u suurtagelin inay gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here