Maraykanka oo Weerarro ku Qaaday Kooxa ay Iran Taageerto oo ku sugan Suuriya.

12
0

Taliska dhexe Maraykanka ee Centcom ayaa ku dhawaaqay barqanimadii maanta oo Arbaca ah, in ay fuliyeen weerar lala beegsaday xarun lagu kaydiyo hubka oo ay shegeen inay leeyihiin malleeshiyaad xulafo  la ah Iran oo ku sugan Suuriya.

Taliska ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay, in weerarkan uu jawaab u yahay weerar ay maleeshiyaadkas shalay ku qaadeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Suuriya, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixinin weerarkaas.

Wuxuu intaas ku daray Taliska ,in ujeeddada  weerarkan ay tahay in la dhimo awoodda kooxdan, si looga hortago inay soo qaadaan weerarro ka dhan ah ciidamada Maraykanka iyo kuwa isbahaysiga ee ku sugan gobolka.

Labo todobaad ka hor, ciidamada Mareykanka ayaa weeraro noocaan oo kale ah ku qaaday bartilmaameedyo lala xiriirinayo kooxa hubeysan oo ay taageerto Iran oo ku sugan Suuriya.

Mareykanka ayaa ku dhawaad ​​900 oo ka tirsan askartiisa waxa ay ku sugan yahiin Suuriya, halka illaa 2,500 oo askarina  ay joogaan Ciraaq, kuwaas oo qeyb ka ah isbahaysi la aasaasay 2014-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here