Heshiiska Itoobiya Iyo Muuse Biixi Ma Noqon Doonaa Mid Heshiisiiya Shanta Soomaaliyeed?

186
0

1964 ilaa 2024 waa 60 sano oo dagaal u dhaxeeyey labada dal oo diris wadaag ah oo ku tartamaayo siyaasada geeska afrika. 

Kadib burbukii dawaladii Soomaaliya iyo dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Itoobiya oo xiligaas  laga tuuray xilka (Mengistu Haile Mariam) sanadki 21-May-1991 iyo gooni isku istaaga dawalada Eritrea sanadkii (24-may-1991) waxay halkaas ku weysay dawlada Itoobiya baddii ay ku laheed geeska africa. 

28-Dec-2006 Raisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi Asres wuxuu bilaaway sidii dalwadiisa ay badweynta Hindiya iyo Badda cas  ugu heli laheed xero ciidanka badda ah iyo Dekaddo ay wax kala soo dagaan shacab weynaha Itoobiya. 

Isku dayo badan oo u suurta gali waysay iyo sanado badan waxa ay ku haminaayeen ayey maanta Soomaaliya lagu tijaabiyey heshiis aan dhameestirneen sida ay ugu falcelinayaa. 

Soomaalida waa dad leh taariikh facweyn oo nacab gumeesiga iyo shisheeye kaalka.

Bilaadul Buunut (oo hada loo yaqaano Soomaaliya) waa dad taariikh dheer leh dhinaca ganacsiga Dekaddaha, tusaaale hadaan u soo qaato boqoradii wadanka masar ka tilineesay #Hatshepsut  ( Died 1458 B.C) waxay ganacsi lawadaagi jireen bilaadul Buunut( oo hada loo yaqaano Soomaaliya). Waxaa kale oo jiro tariikhya badan oo wadankeena Hooyo u leeyahay.

Hadaba damaca Itoobiya ee dakaddaheena ma horseedi karaa shanta Soomaaliyeed oo wada heshiiya? Jawaabta waxaan u deynayaa inta u saxiibka ah falaqeynta siyaasadda,xikmadaha iyo caqliga.

WQ: Dr Abdisalam Mohamed Hirsi.

Afeef: Soomaalimidnimo marnaba mas’uul kama aha aragtida qoraaga maqaalkan loomana tiirin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here