Kooxaha Mucaaradka ee Dalka Suuriya Oo Howgallo Millitari ka Bilaabay galbeedka Magaalada Xalab.

97
0

Kooxaha mucaaradka hubeysan ee ka dagaalama dalka Suuriya ayaa weeraro culus maanta ku qaaday fariisimaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Nuseeyriyada ee ka amarka qaata Bashaar Al-asad.

Dagaal yahanada kacdoon wadayaasha ee ku sugan waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay inay la wareegeen gacan ku heynta goobo milateri iyo dhowr magaalo iyo tuulooyin ku yaalla baadiyaha galbeed ee magaalada Xalab kaddib dagaallo ay la galeen ciidamada Nidaamka nuseeyriyada Suuriya.

Kacdoon wadayaasha ayaa ku dhawaaqay maanta howlgal militari oo loogu magac daray “Radcul Cudwaan”.

Militariga kooxaha mucaaradka ayaa la wareegay guutada 46-aad, oo ah saldhiga ugu weyn ee militariga ciidamada nuseeyriyada Bashaar ee ku leeyihiin galbeedka magaalada Xalab.

Ciidamada kacdoon wadayaasha ay sidoo kale la wareegay ilaa iyo 17 tuulo iyo magaalooyin dhaca galbeedka Xalab, sida: Qubtan al-Jabal, Caynjarah, Urum al-Suqra, Sheekh Caqiil, Kafar Basin iyo deegaano kale.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa yimid kadib markii meelshiyaadka shiicada iyo kuwo nasaarada Ruushka ay saacadihii la soo dhaafay duqeymo ku garaaceen deeganada xorta ah ay maamulaan kooxaha mucaaradka.

Howgalkaan ayaa lagu dilay tobanaan askari oo isugu jira shiico iyo Raashiyaan, halka lagu qabtay tiro maxaabiis ah oo ay kamid yihiin saraakiil ciidan.

Dhanka kale, waxa ay kooxaha mucaaradka gacanta ku dhigeen gaadiid gaashaaman oo ay ku jiraan taangiyo iyo hub culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here