Weerar Cusub oo Ruushku ku Qaaday Xarumaha Tamarta ee Ukraine

13
0

Subaxnimadii Khamiista, ciidamada Ukraine ayaa soo saaray digniin heer qaran ah, kaddib markii ay la socdeen gantaallo ballistic ah oo uu Ruushku ku soo riday dhulka Ukraine, halka maamulka maxalliga ah ee magaalada Krasnodar ee Ruushka uu sheegay, in qof uu ku dhaawacmay weerar ay diyaarad Drone ah ay labeegsatay magaaladaas.

Wasiirka Tamarta ee Yukreen ninka lagu magacaabo Jarmal Galoshenko, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay, in Ruushku uu bartilmaameed ku hayo xarumaha tamarta  ee dalkiisa, isagoo sheegay in weeraradu ay saameeyeen xarumaha oo dhan.

Bridget Brink, oo ah safiirka Maraykanka ee u fadhiya magaalada Kiev ayaa sheegay, in kaabayaasha tamarta ee Ukraine ay la kulmayaan weerar ballaaran oo kaga imaanaya dhanka Ruushka.

Dhanka kale, warbaahinta gudaha ee Ukraine ayaa sheegtay, in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Odessa, Kropivnitsky iyo Kharkiv, subaxnimadii hore ee maanta. Dhankiisa, gudoomiyaha gobolka Odessa ayaa dadka ku booriyay inay ku ekaadaan guryahooda.

Weerarkan ayaa yimi kaddib markii Shalay oo Arbaco ahayd, Ukraine ay ku dhawaaqday in 3 qof ay ku dhaawacmeen magaalada Kyiv, kaddib markii ay weerartay diyaarad aan duuliye lahayn oo katimi dhanka Ruushka. Duqa magaalada Kiev ninka lagu magacaabo Vitali Klitschko ayaa ku sheegay bartiisa Telegram, in burburka mid ka mid ah diyaaradihii la burburiyay ay waxyeelo gaarsiisay dhisme aan ladeganayn oo ku yaalla degmada Dneprovsky ee magaalada Kiev.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here