Kooxaha Mucaaradka Suuriya oo Gacanta ku Dhigay 32 tuulo,kaabigana ku haaya magaalada Xalab.

15
0

Kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa la wareegay 32 tuulo iyo goobo ku yaalla baadiyaha galbeed ee Xalab ee waqooyiga Suuriya, waana aag qiyaastii dhan 245 KM, kaddib dagaalla culus oo dhexmaray iyaga iyo ciidamada  Nusayriyada ee Bishaar Al-Asad.

Waaxda howlgallada militariga ee kooxda ayaa sheegtay, in saaka oo Khamiis ah ay la wareegeen gacan ku heynta magaalooyinka Arnaz iyo Kafr Basin oo ku yaalla baadiyaha galbeed ee Xalab, iyadoo ay  sii socdaan dagaallada iyo burburka ciidamada Nidaamka Nusayriyada ee ka amar qaata Bishaar Al-Asad.

Shalay ayay ahayd markii ay Kacdoon wadayaashan ku dhawaaqeen, inay la wareegeen tuulooyin dhawr ah, waxaana ugu caansan: Al-Hota, Tallet Al-Dabaa, Orem Al-Kubra, Bashantara, Jamciyada Al-Maari, Jamciyada Abu Camsha, Jamciyada Al-aamin, Jamciyada Al-Manaahiil, Al- Jamciyada Radwaan, Al-Muhandiseen, Bakdina, iyo Kafr Naha.

Waaxda howlgallada militariga ayaa sidoo kale ku dhawaaqday, inay gacanta ku hayaan tuulooyinka kala ah, Sheekh Caqiil, Qubatan al-Jabal, Tallet al-Raqib, Tal al-Danaba, Ainjara, Kafr Basma, Basratun, Hour, al-Qasimiya, Ajil, Bala, al -Saloum, Kafr Basin, Hayrdirkal, Orem al-Sughra, iyo Aweijel.

Waxay kaloo xaqiijiyeen gacan ku heynta magaalada Fawj 46, oo uu ku yaalla saldhigga ugu caansan ee ciidamada Nidaamka Suuriya.

Kacdoon wadayaasha ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in goobaha ay la wareegeen ay ugu  gogol xaarayaan, in in ka badan 100 Kun oo qof oo barakacayaal ah ay dib ugu laabtaan guryahoodii iyo dhulkoodii ay ka qixiyeen maleeshiiyaadka Bishaar Al-Asad, taas oo qayb ka qaadanaysa yaraynta dhibaatada Bini’aadantinimo ee ka jirta waqooyi-galbeed ee Suuriya.

Haddaba, kooxaha hubaysan ayaa hadda 5 KM u jira magaalada Xalab oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Nusayriyada ee uu hogaamiya Bishaar Al-Asad.

Waaxda howlgallada militariga ayaa sidoo kale shaacisay, inay saaka aroornimadii  gacanta ku dhigeen labo xubnood oo ay ku tilmaameen inay yihiin maleeshiyaadka Iran, iyagoo geesta  kalana xaqiijiyay inay beegsadeen diyaarad ku sugneyd gagida diyaaradaha ee Nayrab ee bariga Xalab.

Shalay ayay ahayd markii ay kooxahaan xaqiijiyeen, qabashada 6 askari oo ka tirsan ciidamada Nidaamka Suuriya, waxayna gacanta ku dhigeen 5 Taangi, Gaari nooca BMP ah, iyo Bakhaar lagu kaydiyo Gantaallada.

Hawlgalkaan oo bilawday shalay Arbacadii oona loogu magacdaray  “Radcul Cudwaan” ayaa lagu dilay tobanmeeyo askar ah oo isugu jira Shiico iyo Raashiyaan, iyagoona kooxa ay samaynayaan horumarra wanaagsan oo dhanka dagaalka ah, waxaana hawlgalkaas soo dhaweeyay shacabka ku nool dalka Suuriya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here