Putin: Waxaan Isticmaali Doonnaa Dhammaan Hubkayaga Haddii Ukraine ay Hesho Nukliyeer.

17
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii sheegay, in dalkiisu uu dhammaan hubka uu haysto u adeegsan doono Ukraine haddii Kiev ay hesho hub Nukliyeer ah.

Putin oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Kazakhstan ayaa yiri: “Haddii dalka aan hadda dagaalka kula jirno uu noqdo dal ku hubaysan quwad Nukliyeer ah, waxaan adeegsan doonnaa dhamman hubkeenna, waana adkaynayaa arintaas, nooc walba oo Burburin ah ayaa ufaran Ruushka, ma ogolaan doonna arinkaas, Dhammaan dhaqdhaqaaqooda waa la socon doonna.”

Waxa uu intaa ku daray: “Haddii qof si rasmi ah wax u gudbiyo, waxay la macno tahay inuu jabiyay dhammaan ballanqaadyadii ay sameeyeen ee ahaa inaan la faafin hubka Nukliyeerka.” Isaga oo ula jeeda haddii qaar ka mid ah dawladaha reer galbeedka ay Ukraine  siiyaan hubka Nukliyeer-ka.

Waxa uu tilmaamay Putin, in aysan  macquul ahayn in Ukraine ay soo saarto hub Nukliyeer ah, balse laga yaabaa inay awood u leedahay inay soo saarto nooc ka mid ah “bambooyin wax wasakheeya” kuwaas oo ah bambooyinka caadiga ah ee ku wareegsan maaddooyinka shucaaca bixiya si loo faafiyo wasakheynta Nukliyeerka. Putin ayaa ka digay in Ruushku uu si habboon uga jawaabi doono kiiskaas.

Putin waxa kale oo uu sheegay, in khasaare yar uu Ruushku ka soo gaaray weerarrada Ukraine ee lagu qaaday dalkiisa, kuwaas oo loo adeegsaday gantaallada riddada dheer ee Atakum ee uu Maraykanku sameeyo.

Wargeyska The New York Times ayaa todobaadkii hore sheegay, in qaar ka mid ah saraakiisha reer galbeedka – isaga oo aan magacyadooda xusin – ay muujiyeen in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden laga yaabo in uu hubka Nukliyeerka ah siiyo Ukraine ka hor inta usan ka tagin madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here