Khamiis shalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ninka lagu magacaabo Jean-Noel Barrot ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku haya Suudaan inay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, ayna galaan wada-xaajood nabadeed, si loo soo afjaro qalalaasaha dalkaas ka dillaacay tan iyo Abriil 2023, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la gaaro xal nabadeed.
Barrow ayaa ugu baaqay, dhinacyada ay khuseyso colaadda inay joojiyaan taageerada ciidan ee ay siinayaan dhinacyada dagaallamaya, isagoo carrabka ku dhuftay in sii socodka hubka ay uga sii dari karto musiibada bani’aadantinimo, ayna kordhinayso cakirnaanta colaadda.
Wararka ayaa tilmaamaya, in dawladda Chad ay qayb ka tahay meelaha lasoo mariyo hubka soo gala Suudan, inkastoo wasiirkooda arrimaha dibadda, Abdel Rahman Gholamallah, uu ku dhawaaqay in dalkiisa ay ka go’an tahay dhexdhexaadnimo buuxda.
Gholamallah waxa uuna sheegay, in dagaalka ka socda Suudan uu khatar toos ah ku yahay dalka Chad, maadaama inta badan dagaalada ba’an ay ka dhaceen meel u dhow xuduudka ay wadaagaan, kaas oo gaaraya 1,084 kilomitir.