Wargeyska Yedioth Ahronoth oo soo xiganaya sarkaal Yahuuddi ah ayaa sheegay, in saraakiisha hay’adaha ammaanka ee Sahaayinadu ay ku qiyaaseen in boqolkiiba 50% ay suurtagal tahay in uu dib u qarxo dagaalkii Lubnaan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo la isweydaarsanayo eedeymo la xiriira jebinta heshiiskii xabad joojinta ahaa, kaas oo dhaqan galay maalin ka hor doraad Arbacadii.
Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa sheegay, intii lagu guda jiray wareysi uu siinayay telefishinka Khamiistii, in heshiisku uusan ahayn dhammaadka dagaalka, isagoo ku hanjabay in uu qaadi doono dagaal ba’an haddii la jebiyo xabbad joojinta.
Dhinaca kale, Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in Saraakiisha Maraykanka iyo Faransiiska ee ku jira Guddiga la socodka Xabad-joojinta ay haatan kulamo xiriir ah la leeyihiin Taliyaha Ciiddanka Lubnaan, Jeneral Joseph Aoun, iyo Wakiilo ka kala socda Lubnaan, Yahuudda, iyo waxa ay ugu yeereen Ciiddanka Gurmadka Caalamiga ah ee (UNIFIL).