Yahuudda oo Jabisay Xabad Joojintii Dagaalka Lubnaan Duqaymana ka Fulisay Gudaha Lubnaan.

17
0

Ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in diyaaradahoodu ay Khamiistii duqeeyeen xarun ku taalla koonfurta Lubnaan, taas oo ay Xisbullaah ku kaydiso gantaalada riddada dhexe sida ay sheegeen warbaahinada Yahuudda, waana weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii ay xabad joojintu dhaqan gashay subaxnimadii Arbacada.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay Yahuuddu leedahay ayaa sidoo kale duqaymo la beegsatay baabuur marayay magaalada Markiba ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dhaawacmeen saddex qof, sida uu sheegay wariyaha Aljazeera.

Dhinacooda, ciidamada Lubnaan ayaa ku eedeeyay Yahuudda inay ku xad-gudbeen xabbad-joojinta dhowr jeer Arbacadii iyo Khamiistii, iyada oo ay Yahuuddu fulisay hawlgallo  duqaymo ah, waxayna intaa ku dartay inay daba-gal ku samaynayso xadgudubyada iyadoo la kaashanaysa hay’adaha ay khusayso.

Xabad- joojintan oo la dhaqan galiyay doraad arbacadii ayay yahuuddu uga gol lahyd xeelad dagaal, kaas oo ahaa mid ay ku doonaysay inay dib iskugu soo abaabusho ciidankeeda, saanad ciidana ay ku gayso dhamaan furimaha uu dagaalku ka socdo, waxaana loo badinayaa in uu dagaalku halkiisa kasii qarxo maalmaha soo socda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here