Kooxaha mucaaradka hubeysan ee Suuriya waxaa u suurtagashay in ay maamulaan xaafado katirsan bartamaha magaalada istiraatijiga ah ee Xalab iyo kuwo kale oo ka tirsan baadiyaha Idlib ee waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya.
Howlgalkaan militari ee loogu kagac daray “Radcul Cudwaan” oo ah midkii ugu xooggana ee ka dhaca 5-tii sano ee ugu dambeyay dalka Suuriya ayaa sababay isbadal maamul oo ka dhacay qaybo kamid ah dalka Suuriya.
Wararkii ugu dambeeyay ee howlgalka ayaa sheegaya kacdoon wadayaasha in ay la wareegeen gacan ku heynta Masjidka Umawiyiinta kadib markii ay gudaha u galeen xaafado badan oo ka tirsan magaalada Xalab.